Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Ku Baaqay In Guddi Baadhiseed Loo Saaro Fadeexadaha Ka Taagan Genel Enery Iyo Madaarka Hargeysa

XOOG

Sep 17, 2013 Hargeysa(SM)-Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada ayaa ku baaqay in gudi baadhitaan golaha wakiiladu u saaro arrimaha dalka ka taagan ee ay ugu horeeyaan arimaha shidaalka iyo waliba madaarka oo ay sheegeen inay ka dhaceen ceebo u baahan in xaqiiqdooda la soo baadho.

Xildhibaanadan ayaa xukuumada ku eedeeyay in shirkada sahaminta shidaalka dalka ka waday ay suuq madaw wax kula saxeexatay isla markaasna uu madaw badani ku jiro sida loo maamulay dhaqaalahii madaarka lagu dhisaayay ee dalka Kuwayt uu ku deeqay.

Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale,Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog iyo xildhibaan Maxamed Bulqaas oo u warmaayay wargeyska Geeska Afrika ayaa sidan sheegay,isla markaasna golaha u soo jeediyay inay xaqiiqda arimahaas ay doonaan.

 

Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale oo arimhaas ka hadlaayay waxa uu yidhi“Xalaal iftiin baa la qashaa, meel madaw ayaa la mariyay oo golaha lama soo marin waana taas Alle maanta qarxiyay arinkii shidaalka.waxa jiray qodab ku jira ajandaha kalfadhigan oo ahaa qiimaynta xaalada dalka waxaan ku rajo weynahay in laba gudi laga saaro golaha kuwaas oo soo baadha musuq maasuqa qandaraasyadii gaadiidka ee shirkadii shidaalka ee Genel Energy iyo qaabka ay shirkadaasu dalka ku timi iyo qaabkay kaga baxday iyo sida oo kale arrimahii madaarka ka dhacay ee hantida lagu lunsaday ay kaw ka tahay iyo fashilkii Alle qarxiyay ee markii danbe ku yimi taasna gudi labaad in aan u saarno ayaan doonaynaa oo galahu labada dhinacba soo baadho xaalada dhabta ah ee dhacday.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog ) oo isaguna dhankiisa ka hadlay mawduucyadan, oo Geeska Afrika, la hadlaya ayaa yidhi, “Waxa u weyn ee isoo gaadhayaa waa in ay diyaaradii Itoobiya uga tagtay madaarka arimo amaan iyo in aanu lahayn gidaarkii ka celinaayay dadka iyo xoolaha,dhabadii diyaaradu ay ka haadaysayna ay qabyo tahay iyo in markii ay madaarka diyaaradu timi ay iska soo ag istaageen gawaadhi ay wataan kuwii samaynaayay madaarka arintaas oo aan fiicnayn. Markay timaado shirkadan shidaalka ee Genel Energy iyadana sharciyadeeda nalama soo marsiin ee qol madaw ayay iyaga iyo xukuumadu wax ku kala saxeexdeen,runtiina wali lama samayn xeerkii shidaalkaba, xeerar baana dadka kala qabtee hadaanay xeerarba jirin waa laysku laynayaa uun. Markaas waa in gudi qaran loo saaraa oo xildhibaanada dadku doorteen ah oo xaqiiqo raadis ah la sameeyo, Wax uun baa naloo sheegayaa warbaahintiina waxbay qoraysaa baarlamaankiina waxba kama oga markaas gudi xaqiiqo raadin ah ayaa loo baahan yahay oo lagu ogaanayo waxa ka jira ceebahan dhacay.”

Ugu danbayntii xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo isaguna fikirkan oo kale qaba ayaa ku taliyay “Arinkan madaarka iyo shirkada shidaalkaba waxaan aaminsanahay waa in gudi loo saaro baadha oo madaxbanaan oo ka war keenata siday wax u dhaceen,siday ku bilaabmeen iyo siday wax u socdaanba.”

Waa markii u horaysay ee ay xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladu soo jeediyaan in guddi baadhiseed loo saaro labadan caqabadood ee soo waajahay dalka oo saamayn ku yeeshay qaranka.

Salaanmedia/Hargeysa Office
Geeska Afrika