XISBIGA WADDANI LAANTIISA UK OO QABSADAY KALFADHI MUHIIM AH.

XISBIGA WADDANI LAANTIISA UK OO QABSADAY KALFADHI MUHIIM AH.
image
Kulan ay isugu yimaadeen Gudida Xisbiga Waddani Laantiisa UK ayaa xalayto ka dhacay Galbeedka Magaalada London. Kulankan oo ahaa mid si aad u heer-saraysa loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay tiro badan oo ka mida Gudiga Xisbiga Laantiisa UK.Kulankan oo xiiso gaar ah lahaa ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Laantiisa UK Mudane Ahmed Ali Nahi. Kulankan ayay gudigu kaga wada hadleen qodobo aad u muhiim ah oo Gudiga laanta horyaala iyo dardar gelintooda, waxayna xubnihii goobta isugu yimid ka dhawaajiyeen fikrado aad muhiim ugu ah sidii loo dhamaystiri lahaa dhamaanba laamihii Xisbiga ee UK iyadoo loo marayo qaabka ugu caqli galsan, lagana bilaabayo dhamaystirka laamaha London iyo hadba laantii kale ee loo arko inay diyaar tahay. 

Gudigan ayaa hoosta ka xariiqay waxqabadkooda asbuucyada iyo bilaha fooda inagu soo haya iyagoo isla-qaatay in xubin walba ay dardargeliso kaalinteeda xilshaqeed sidoo kalena si isku duubni ah loo abaaro hawlaha wadashaqaynta u baahan. kulanka ayaa sidoo kale gudigu ku soo dhoweeyeen kuna taageereen qoraalkii ay wadajirka u soo saareen labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID kuna saxeexnaayeen labada gudoomiye Xisbi Mudane A/rahman Mohamed A / llahi ” Ciro ” iyo Mudane Faysal Ali Waraabe, muhiimadiisuna ahayd inaan la aqbali doonin in doorashadu xiligeeda dib uga dhacdo iyadoo xilka ugu weyni ka saaran yahay arintan Gudiga doorashooyinka Qaranka iyo Xukuumada talada haysa. 

Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan iyadoo lagu balamay in kulan kan xiga la isugu soo noqdo iyadoo lagu talaabsaday waxqabad la taaban karo.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Laanta UK
Mudane Qasim A Saleebaan

London. 

XISBIGA WADDANI LAANTIISA UK OO QABSADAY KALFADHI MUHIIM AH.Kulan ay isugu yimaadeen Gudida Xisbiga Waddani Laantiisa UK ayaa xalayto ka dhacay Galbeedka Magaalada London. Kulankan oo ahaa mid si aad u heer-saraysa loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay tiro badan oo ka mida Gudiga Xisbiga Laantiisa UK.

Kulankan oo xiiso gaar ah lahaa ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Laantiisa UK Mudane Ahmed Ali Nahi. Kulankan ayay gudigu kaga wada hadleen qodobo aad u muhiim ah oo Gudiga laanta horyaala iyo dardar gelintooda, waxayna xubnihii goobta isugu yimid ka dhawaajiyeen fikrado aad muhiim ugu ah sidii loo dhamaystiri lahaa dhamaanba laamihii Xisbiga ee UK iyadoo loo marayo qaabka ugu caqli galsan, lagana bilaabayo dhamaystirka laamaha London iyo hadba laantii kale ee loo arko inay diyaar tahay. 

London.Â