XISBIGA WADDANI LAANTIISA UK OO XUKUUMADA UGU BAAQDAY IN GUDI ISKUDHAF AH LOO SAARO ARINTA AIRPORT – KA HARGEYSA.

 

22601062361743copyImage
Wadatashi ay ka yeesheen Xubnaha gudiga Xisbiga Waddani Laantiisa UK oo uu horkacayo Gudoomiye Ahmed Ali Nahi ayaa loo arkay muhiim in Warsaxaafadeedkan la soo saaro.  “Arimaha ka taagan garoonka Hargeysa waa arin aan u cuntamayn shacabka S/land waana nasiib- xumo in Xukuumadu jawaab cad ka bixin weydo fadeexadan hadhaysay dhismaha Airport-ka Caasimada Waddanka ee Hargeysa, mana aqbalayno in Wasaaradii jawaabta arintan khaaska u lahayd ee looga fadhiyayi Guryaha isku soo xiraan”.
hadaladani waa qayb ka mid shirkan jaraa’id ee Afhayeenka Xisbiga Waddani Laantiisa UK Mudane Qasim Aadan Saleebaan ku qabtay Xafiiskiisa magaalada London.Afhayeenka ayaa ka dhawaajiyey werwerka ay ka qabaan dadkan mudada ku xanibnaa Airport-ka ee qaarkood ay hada u suurto gashay inay soo ambabaxaan iyagoo weli ku xaniban Airporarada Ethiopia. iyo isagoo ugu baaqay in xukuumadu gudi iskudhaf ah u saarto arintan. isagoo dhinaca kalena baaq u diray dadka ku xaniban Airporaradaas.
Xisbiga Waddani Laantiisa UK waxay ka codsanaysaa in dadkii reer UK ee arintani saamaynta ku yeelatayi nala soo xiriiraan marka ay soo guryo noqdaan si xuquuqdooda loola baadi doono.
FADLAN HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO AFHAYEENKA OO HADLAAYA.
Afhayeenka Xisbiga Waddani Laantiisa UK
Mudane Qasim A Saleebaan
London