Xukuuumadda Soomaaliya Oo Ku Hanjabtay Meel-Marinta Xeer Saxaafadda Madaxa-Bannaan Lagu Cabbudhinayo

“Dawladda Soomaaliya marna ka gaabsan mayso, waanay fulineysaa in sharciga iyo caddaaladdu dhaqan-galaan, lana fuliyo.” Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Gaadiidka Cabdillaahi Ciil-Mooge Xirsi

 

Muqdisho(SM):- Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ku hanjabtay inay meel-marinayso Xeer lagu cabbudhinayo Saxaafadda Madaxa-bannaan ee ka hawlgasha dalka Soomaaliya, kaasoo caqabad ku  noqon kara gudashada waajibaadka shaqo ee Warbaahinta iyo Weriyeyaasha Madaxa-bannaan ee waddankaas.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Gaadiidka Cabdillaahi Ciil-Mooge Xirsi, oo shalay soo saaray war qoraal ah oo uu kaga jawaabayo warar hore looga qoray oo sheegayay inuu Wasiir Cabdillaahi Ciil-Mooge kaga hadlay qaabk loogu wareejiyay Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga Madaarla Muqdisho oo la sheegay inuu Wasiir Ciil-mooge sheegay in heshiiskaa laga lahaa dano gaar ah, isla markaana ay ka dambeeyeen Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwada Raysal-wasaaraha Soomaaliya Caasha Xaaji Cilmi.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka  Cabdillaahi Ciilmooge Xirsi oo ka cadhooday warka la sheegay inuu ka soo baxay Xafiiskiisa, ayaa hanjabaaddii ugu waynayd u diray Saxaafadda Madaxa-bannaan.

 

 

“Warqaddan Been-abuurka ahi waxay dhammaanteen inna xasuusinaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo dhaqan-gelinta iyo meel-marinta Xeerka Saxaafadda si loo sugo xornimada Saxaafadda sida uu qabo Dastuurka dalka qodobkiisa 18-aad, isla markaana caddaaladda loo horkeeno kuwa caadaystay inay si xun u isticmaalaan Masuuliyadda ay hayaan iyo aamminaadda shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan. Dawladda Soomaaliya marna ka gaabsan mayso, waanay fulineysaa in sharciga iyo caddaaladdu dhaqan-galaan, lana fuliyo.”

Salaanmedia/Hargaysa

SLToday