BOSASO(SM)Qandaraaska dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa shalay la soo bandhigay iyadoo ay ku tartamayaan 20 shirkadood oo caalami ah.
Garoonka diyaaradaha magaalada Bossaso ee xarunta gobolka Bari ayaa lagu soo bandhigay qandaraaska dhismaha garoonka oo ay u tartamayaan ilaa 20 shirkadood oo caalami ah kuwaasi oo wakiiladoodu soo gaareen magaalada.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay wasiirka dekedaha Eng. Siciid Maxamed Raage, wasiir xigeenka duulista Cabdiqani Geele, wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadda, xildhibaano, issimada gobolka, ganacsato iyo weliba bulshada rayidka.
Dowladda Talyaaniga ayaa dhaqaalaha ku baxaya garoonka soo marsiisey hay’adda UNOPS, waxana ay codsatay Puntland in qandaraaska laga dhigo mid lagu soo bandhigo fagaare si loo wada ogaado shirkadda ku guuleysta.
Ilaa20 shirkadood oo caalami ah ayaa ku tartamay casriyeynta garoonka diyaaradaha Boosaaso oo aan qaabilin duulimaadyo farabadan, iyadoo shirkadaha diyaaradaha ee taga Puntland intooda badan ka degaan magaalada Gaalkacyo.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda duulista iyo garoomada Puntland Cabdiqani Geelle oo ka qeyb-galay munaasabadda soo bandhigidda qandaraaska ayaa sheegay in bulshada gobolka Bari ay qeyb weyn ku yeelan doonto dhismaha casriyeynta garoonka diyaaradaha.
Wasiirk ku xigeenka wuxuu intaas raaciyay in maamulka Puntland uu wado qorshayaal dayactir iyo dhismo loogu sameynayo garoomada diyaaradah ee Puntland.
Mashruuca qandaraaska dhismaha garooka diyaaradaha ee Bender Qaasim ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu soo bandhigay goob fagaare ah si loo ogaado shirkadda ku guuleysata dhismaha garoonka.
Mursal Caydiid
Salaanmedia/ Kenya