AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI UK OO TAAGEERAYAASHA XISBIGA IYO SHACABKA S/LAND EE UK UGU BAAQAY INAY KA QAYB-QAATAAN DHISMAHA WADADA CEERIGAABO.

 

Waa hubaal inaysan Horgalayaasha Xukuumada Kulmiye u marin qaabkii ugu haboonaa dhisida Wadadan haday noqon lahayd Wadatashi Qaran,  Xafiskii ku haboonaa ee loo xambaarin lahaa dhisida wadadan, Wasaaradii Maaliyada Waddanka oo aysanba Qorsha ugu jirin Jaangonta Qiimaynta Dhaqaale ee Dhisida Wadadan, Saxankii oon la diyaarsan ka hor intaanan dheriga lala kor iman gacmo madhan, Deg-deg iyo Olole Siyaasadeed oo meesha ka muuqday iwm. Khaladaadkaas iyo kuwo kale oo badanba iyagoo jira ayaa hadana maadaama la ansixiyey dhisida jidkan waxaa xil inaga saaran yahay inaynu garbaha is-qabsano, muujino midnimadeena, Xukuumadeenana ku garab istaagno hirgelinta dhisida jidkan, waana inaynu kula garab istaagnaa Muruq Midaysan, Maskax Midaysan iyo Maal Midaysan.

Xisbi Waddani ahaan waxaanu horena uga qayb-qaadanay hadana diyaar u nahay ka qayb-qaadashada dhisida Wadadan anagoon waxii awoodayada ah ka hagraneyn bilowgeeda, dhamaystirkeeda iyo weliba dayactirkeeda mustaqbalka. Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaanba Xubnahayaga, taageerayaashayada iyo dhamaanba shacabka S/land gaar ahaan Reer UK inay ka qayb-qaataan, Gacan mug lehna ka geystaan dhisida Wadadan Ceerigaabo oon shaki ku jirin waxtarka dhismaheedu Waddanka u leeyahay “Biyo sacabadaadaa looga dhergaa “. Hawshu hadda inagay ina hoos-taalaa, “Raqba-waa-ku-rageed iyo Dumarkeed”. Waa inaan ka dhabaynaa Bilaabida, Dhisida iyo Dhamaystirkeedaba inagoo Illahayna ku talo saaranayna inuusan Tacabkeena ka dhigin mid khasaara.

Xukuumada waxaanu hore ugu baaqnay hadana ku celinaynaa in Arimaha ku saabsan horumarinta Waddanka sida Jidadka, Airports-ka, Baadhista Shidaalka iyo Macdamaha iyo kuwo kale oo u qarsan oo ay dhowaan la soo bixi doonaanba inay wadatashi kala sameeyaan Axsaabta Qaran. Sidoo kale Arimaha Ku saabsan Wax-ka-qabadka Siyaasadaha Gudaha iyo Dibadaba waa inay wadatashi joogto ah kala yeeshaan Axsaabta Qaranka ee haysta kalsoonida iyo taagerada shacab aad u balaadhan.

Waxaanuna Xukuumada uga digaynaa inaysan Hantida iyo waxyaalaha arimaha Qaranka ah aysan siyaasadayn ama u isticmaalin Qorshayaal/Olole Siyaasadeed. Sidoo kalena waxaanu ugu baaqaynaa in Sharciga Waddanka la ilaaliyo si uusan inooga noqon Jaantaa rogan sida hadaba Xukuumadan ka muuqata.

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Mudane Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com
London