Al Shabaab oo sheegatay in ay dishay shan kamid ah Ciidamada Dowladda Sierra Leone

alshabaab

Ururka Al Shabaab oo si weyn uga soo horjeeda joogitaanka dalka ee Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay sheegeen in ay dileen shan kamid ah Ciidamada Dowladda Sierra Leone.

Weerar xoogan oo ay hal habeen kahor ka geysteen Deegaanka Taabto, oo ay deggan yihiin Ciidamada Dowladda Sierra Leone, ayay Shabaabku sheegteen in ay ku dileen shan kamid ah Ciidanka Sierra Leone.

Madaxa Gobolada Jubbooyinka ee Ururka Al Shabaab Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, oo wareysi siiyay Idaacada Andulus, ayaa sheegay in Ciidankoodu ay xaqiijiyeen dhimashada, shan kamid ah Ciidamada Sierra Leone.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan dhaawacyo ka badan shanta askari ee uu sheegay in ay dileen, isagoo intaa ku daray in ay jiraan khasaaro maaliyadeed, sida uu yiri.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, ayaa soo hadalqaaday in Gobolka Jubbada Hoose, uu qayb ka yahay meelaha khasaaraha buuran loogu geysto, waxa uu ugu yeeray cadowga.

Waajib Ceyni ah, ayaa wuxuu ku sheegay in lala dagaalamo cadowga ku soo duulay buu yiri dalka, isla-markaana ay banaan tahay in meel kasta oo dalka ka tirsan, lagu daadiyo sida uu yiri dhiigooda.

Xudeyfa, ayaa ku goodiyay in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee taageeraaya, sida uu yiri.

Salaanmedia/Mogdisho