Axmed Madoobe oo lagu eedeeyay inuu jebiyay heshiiskii Addis Ababa, kadib markii uu diiday shirka Muqdisho

Ahmed
Iyadoo dhowaan Gudoomiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam uu ku dhawaaqay in aanay ka qeyb galeyn shirka dib u heshiisiinta Muqdisho ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu jebiyay heshiiskii Addis Ababa.

Hogaamiyaha Ahlusuna Wal-jameeca ee Gobolada Koofureed Sheekh Maxamed Yuusuf Aw-libaax ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobey inuu jebiyay qodobo ka mid ah heshiiskii Addis Ababa uu la galay dowladda Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Aw-libaax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qodob ka mid ah heshiiskii Addis Ababa uu dhigayay in magaalada Muqdisho lagu qabto shir dib u heshiisiin, taasna ay aheyd in si buuxda labada dhinac u dhaqan geliyaan.

“Heshiiskii Addis Ababa qodob ka mid ah waxaa uu ahaa in shir dib u heshiisiin lagu qabto Muqdisho, qodobkaas waxaa jebiyay Axmed madoobe”ayuu yiri Sheekh Maxamed Aw-libaax oo intaa ku daray in Kismaayo aanay xilligan ammaan aheyn, isla markaana shir lagu qaban karin.

Aw-libaax ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan dhinacyadii khilaafka u dhaxeeyay ee ku dagaalamay Kismaayo ay Muqdisho ku sugan yihiin, isagoo tilmaamay inuu isaga ka mid yahay dadka Jubooyinka ka soo jeeda, isla markaana Muqdisho ku sugan yahay.

“Hadii aysan dhicin wax shir ah oo dadkii shalay dirar oo khilaaf ku kala tagay wali ku kala maqan, waxay taas keeneysaa in wax walba ay halaabaan, arrimaha Kismaayana ay faraha ka baxdo”ayuu yiri Aw-libaax.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Sheekh Axmed Madoobe shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Kismaayo ku sheegay in aanu diyaar u aheyn inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta Muqdisho ee Xukuumada iclaamisay in 21-ka bishan uu dhacayo.


Salaanmedia/Mogdisho