BAAQ IYO TALOSOO JEEDIN KU SOCOTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BERBERA

baaq tageero

Anigoo ah dhalinyarada gobolka Saxiil kana koban aqonyahano Ganacsato iyo waxgarad jecelna horumarka degmada berbera iyo guudahanba goboka saaxiil.

Haddaba guud ahaan bulshada gobolka saaxil way soo dhaweeyeen markii la soo doortey golaha deeganka cusub gaar ahaan loona dortey Maayarka Magaalada (Xildhiban:Cabdishakur Cidin).

Iyadoo bulshadu aminsaneyd inuu halki ka sii ambaqaadidoono waxqabadkii muuqdey ee looga bartey Golihii Deegaankii hore ee wakhtigadu dhamadey kuwaaso sameyey horumar la tabankaro sida:

• Wadooyinka
• Saribadaha
• Garomada kubada cagta.
• Bilicda magalada

Iyo adegyada kale ee aasaasiga ah ee ay bulshadu ubaahentahey hadana taa macnaheedu maaha in golihii deeganka hore ay wada qabteen dhamaan adeegyadii bulshada iyo degmaduba uu bahnayen.

Sida awgeed golahan deeganka cusub ee la soo doortay gudoomiyana uu yahey Mayor: Cabdishakur cidin Maha Mid ka midho dhaliyey waxyaabihii ay ku balanqadeen markii ay ololaha ku jirey.

Siba duqa magaalada berbera oo isagu balanqaadyo badan sameeyey wakhtiyadi ololaha doorashooyinka. Iyado sida tahey duqa degmada berbera wax waxqabad ah oo muuqda muu sameeyn mudaadii uu xilka hayey waxaanad mooda inuu ka doorbidey dhamaan wixi loo soo doortey Olole siyaasadeed iyadoo aaney xili dorasho gadhin.

Hadaba Hadaanu nahey aqoonyahanada, ganacsatada iyo waxgaradka degmada berbera iyo gud ahanba gobolka saxiil waxaanu uu soo jeedineynaa Talooyin dhaxalgala ah golaha deganka degmada berbera.

• In ay soo doortan maayir aqoon , khibrad, iyo karti u leh jagada maayarnimo Madaamey bulshadi degmada berbera ku hugowday mayar Cabdishakur Cidin isla markana candhuftoda dib u liqeen.
Runti waxanu aaminsanahey in ay ragbadan oo xilkaasi iyo way-aragnimo uleh ay ku jiraan golahan deeganka ee la soo dortey.

• Inan golaha deeganka degmada berbera anuu ku milmin asxabta siyasada ee ay ka soo kala baxeen madama iyaga siyasad loo Doreen ee loo dortey waxqabad buxa iney ka sameyeen degmadoda.

• Iney damacooda siyasadeed Iyo tooda gaarka ahba ka hormariyeen Masiirka bulshadii soo dooratey oo ka sugaya waxqabad buuxa iyo balanqaadki malmihi dorashada ay sameyeen.

• In ay bulshadii soo dooratey ku warceliyaan waxyaabihii uqabsoomey iyo kuwii aan uu qabsoomin mudadii ay xilka hayeen oo ku dhaw sanad.
• Inay la yimadan iskudubni iyo wada shaqeyn joogta ah isla markana ilaliyen midnimada bulshada degmada berbera.

Magacayada Dhalinayarda Baaqa Iyo Talada soo wada sarey
1. Abdikarim Abdilahi Ismail (Rigaax)
2. Abdiqani Ismail Aden(Bidhi)
3. Aqoonyahan Abdikarim Yusuf Meheriye
4. Aqoonyahan Khadar Mahamed Hersi
5. Aqoonyahan Mohamed Abdikarim Sh.Mubarik
6. Prof:Mohamed Abdi Ali
7. Prof:Jama Abdilahi
8. Dr.Abdirashid osman
9. Eng:Abdicasis Ahmed Cise
10. Eng:Hamse Ali Maax
11. Aqoonyahan:Khadar Hassen Muse
12. Aden Nour
13. Hassen Abdirashid Arale
14. Eng:Sahra Abdilahi farah
15. Aqoonyahan : Ilhan Mohamed Matan

Waa Bilaha Tawfiq.