Daawo Muuqaaladii Ugu Dambeeyay Ee Tahriibayaashii Ku Dhintay Xeebta Lampedusa + Sawiro

Oct 4,2013 (SM) Tirada ku dhimatay Jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga ayaa sii kordheysa, iyadoo ilaa hadda dadka la helay meydadkooda ay kor u dhaafayaan 150, kuwaasi oo isugu jira Haween uur leh, caruur iyo dhalinyaro. waxaana nolol lagu la yahay 200 qof, halka 133 kale la badbaadiyay.

Mashaqadan ka dhacday xeebaha Mediterranean ayaa Dowladda Talyaaniga iyo Qaramada Midoobay ay ku tilmaameen masiibo hor leh oo dad muhaajiriin ah ay ku qabsato xeebaha Talyaaniga.

Naaquudiyihii Doonta oo ahaa 35-jir Tunsian ah ayaa la xidhay sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha gudaha Talyaaniga Angelino Alfano oo booqday jaziirada ay mashaqada ka dhacday.

Duqa magaalada Jaziirada Lampedusa oo ah haweeney lagu magacaabo Giusi Nicolini ayaa la ilmeysay markii ay aragtay meydadka oo daadsan nawaaxiga xeebta, waxaana ay sheegtay inay tani tahay musiibo weyn

Ardayda iskuulada Talyaaniga ayaa maanta oo Jimco ah sameynaya hal daqiiqo oo aamusnaan ah, taasoo ah baroor diiq qaran oo ay dowladda Talyaaniga ku dhawaaqday.

Waxaa isna ka hadlay Bob-ka diinta Masiixiha

Tirada guud ee doonta ay saarnaayeen tahriibayaasha oo ahaa 500 qof ayaa waxaa la la’yahay 150 qof .