Daawo Sawiro…Kulankii looga wada hadlaayey dhibaatada ay keeni karto joojinta xawaaladdaha Soomaalida oo London ka dhacay.

IMG_0684

Kulan balaadhan oo xalay 21.10.13  ka dhacay kulankii todobaadka Somalida(Somali Week) oo ku saabsan xawaaladdaha Soomaalida, Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen madax sar-sare oo ka tirsan haayadda caalamiga,Ganacsato,iyo martisharaf kale oo aad u farabada,Kulanka shalay oo ka duwanaa kulamadii hore ee todobaadka Soomaalida lagu soo qaadan jirey arimo xaga dhaqanka ku saabsan ayaa shalaytu waxa diirada la saaray dhibaatada ay keeni karto xawaaladdaha Soomaalida hadii la joojiyo inay ka hawlgalaan banigiyada Ingiriiska gaar ahaan Barclays Bank oo dhawaan ku dhawaaqay inuu xidhaayo accounadii ay xawaaladda dahabshiil ku lahayd Bangiga Barcalys.

IMG_0565

Kulanka oo aad u balaadhnaa waxa aad looga waramay xawaaladdaha Somalidu inay yihiin lafdhabarta bulshada Soomaaliyeed ee dalka Somalia ku nool oo hadii lacagta meel loo mariyo la waayo inay dhibaatooyin fara badan oo xaga bina’aadamnimada ah ay keenayso. Jonatahn F Brook oo ka tirsan hayadaha caawimada ka geysta Somalia oo aad hadalo muhiima kulanka ka soo jeediyey ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada ay u leedahay lacagta dalalka reer galbeedka laga diro iyo sida ay nolosha dadka gudaha Somalia joogaa ay ugu tiirsan yihiin,Waxa uuna carabaabay in ay keeni karto talaabadaas uu Bangiga Barclays qaatay mid keeni karta dhibaato horleh oo dadka Soomaalida ku habsata.

IMG_0559

Degan Cali waa haweenay Soomaaliyad ah oo ka hawlgasha mashruuc lagu magacaabo Afrikan Development Solution oo xarunteedu tahay dalka Kinya gaar ahaan magaalo madaxda Nairobi,Waxa ay sharaxaad aad u balaadhan ka bixisay dadka Soomaalida ah ee ku nool Somalia iyo dalalka jaarka la ah Soomaaliya oo ay tidhi waxa ay leeyihiin ganacsi kala du-duwan oo noocyo badan leh,waxa ayna carabowday in aanay ganacsigaa aadka uga jira ee dadka Somalida ahi ay leeyihiin aanu jiri karin hadii aanay xawaaladaha Soomaalidu aanay lacagaha u fududeynayn.

IMG_0665

Waxa iyada oo hadalkeeda sii wada ay garabka ku dhufatay in ay tahay go’aan aan la qaadan karin in Bangiyada Ingiriisku ay go’aan noocaas ah qataan tasoo keeni karta cawaaqin xumo dadka Soomaalida ah lasoo darista.Waxa kale oo ay muujisay dalka Maraykanka oo arinkan oo kale hore ugu dhawaaqay iyo sida aadka looga soo horjeestay. ugu danbeyntii waxa ay shacabka Soomaaliyeed ee degan dalalka Yurub gaar ahaan Ingiriiska ay ku amaantay dedaalka ay sameeyeen ee ahaa mudaharaado iyo inay rayigooda ku cabiraan sida ay uga xun yihiin.

IMG_0644

                                                                                                              Safiirka Somalia u fadhiya UK

Waxa kale oo madasha laga carabaabay in ay jiraan xawaaladdo kale oo lacagta ku dira si toosa oo lacagta lagu qaato hab casi ah sida SAAD Services oo kale,tasoo ka jirta Somaliland iyo meelo kale oo Somalia ka tirsan.

IMG_0596

Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madaxda xawaaladda Dahabshiil ee UK oo isna warbixin kulanka kasoo jeediyey ayaa ku dheeraaday hawlo farabadan oo dhinacyo badan taabanaya oo uu ku muujiyey in ay xawaaladda Dahabshiil ay aad uga xuntahay go’aanka ay Barclays bank ka qateen xayiraada ay doonayaan in ay ku xayiraan  xawaaladdaha Soomaalida,Waxa kale oo uu sheegay in xaga laamaha ay lacagaha u xawilaan iyo ilaalinta dadka dira lacagaha oo aad aanu ula socono,qaybwalba oo lacag laga diraaya ay leedahay meelo loogu hagaago oo aanay wax dhibaato oo ka imanayaa aanay jirin, Waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in dadka Somalida ahi ay g’aanka ka midoobaan oo ayna iska idho tirin.

IMG_0680

Isku soo wada duboo hadii go’aanka uu Bangiga Barclays arinkaa ku adkaysto waxa uu noqonayaa mid dhibaato weyn ku keeni kara dhamaan Soomaalida iyo shacabka ku nool geeska Afrika oo uu sameyn weyn ku keeni kar,Dhinaca kale waxa jira xawaalado kale oo lacagta sida aan ka war hayno aanay sameyn ku yeelan karin arinkan xawaaladda Dahabshiil lagu soo rogay oo lacagta si online ah ku diri kara sida aan weydiiyey gudoomiyaha Wordremit oo aan arinkaa ii xaqiijiyey.

FADLAN LASOCO MUQAAL DHAWAAN KU SAABSAN SHIRKA INSHA ALLAH.

Xamse Axmed Salaan

London

www.salaanmedia.com

1
IMG_0563

IMG_0605IMG_0619IMG_0636
IMG_0651IMG_0654IMG_0658IMG_0660