Daawo sawiro..Kulankii Xalay ee Qaar ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland London iyo Wasiir Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan.

23.10.13…Kulan Xalay ka dhacay Hotel Savanna ee galbeedka magaaladda London. kualnkaas oo ahaa kulan aad u balaadhan oo lagu soo dhaweynaayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Cali Xirsi Xaji Xasan,kulanka oo ay kasoo qaybgaleen qaar ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee degan dalka Ingiriiska gaar ahaan London. Waxa ugu horeyn kulanka hadalo soo dhaweyn ah wasiirka martida inoo ah iyo soo xaadirka aad kulankan deg-dega ah aad soo ajiibteen ku amaanay Safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaale .

IMG_0785 (800x533)
”Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ugu horeyn aad ugu mahad naqay sida wanaagsan ee losoo dhaweeyey.Ugu horeyn waxa uu tilmaamay ujeedada safarkiisa dalkan Ingiriiska oo Mudane Xirsi ku tilmaamay in uu yahay mid laba ilaa 3 wiig oo aan imtixaan jaamacadeed u imid dalkan Ingiriiska tasaana keentay inaan sida deg-dega ah kusoo baxo,Waxa uu ugu horeyn ka waramay xaaladda guud ee wakhtigan Somaliland ku sugan tahay,”Waxa laggu jiraa nimco oo roobab badan ayaa dalkii ka da’ay oo dadku nimco ayey ku jiraan,Waxa kale oo uu warbixin aad u dheer oo uu kaga hadlaayo arimaha hada socda ee Waddada la doonaayo in dib u dhiska lagu sameeyo iyo dedaalada kala duwan ee socda oo uu ku tilmaamay mid aad iyo aad dadku ugu kaceen loona daneynaayo in wadooyinka kala du-duwan la sameeyo.

IMG_0721 (800x533)
Wasiirada xukumada ,Aqalka Barlamaanka iyo guurtiduba waxa ay qaybweyn ka qateen ururinta dhaqaale dib loogu hagaajinaayo wadada oo ay ku yabooheen lacago ay ku deeqeen, Waxa aanu dhawaan u dalbanay qalab wadada lagu dhisaayo si aanu kharashka ku baxaaya ee dhismaha aanu u yareyno oo qalab inagu aan leenahay u adeegsano ayaa wasiirka ka mid ahaa hadaladii uu soo jeediyey. Wasiirku Waxa uu shacabka meelkasta oo ay joogaan kula taliyey in arinka wadada aan la siyaasadeyn ee loo arko horumar dalka laga fulinaayo.

IMG_0708 (800x533)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_0804 (800x533)
Waxa kale oo Mudane Xirsi ka waramay dhamaan dalka dib u dhiska ka socda gaar ahaan wadooyinka oo dawlada iyo dadkuba ay ku hawlan yihiin oo si xawli ah u socda oo ay ugu horeyso Wadada Boorama oo dhawaan lasoo gabo-gabeyn doono.Reer Sanaag waxa ay iyaga ayaa bilaabay arinka wadada Ceerigaabo aadna waanu ugu hambalyeynaynaa waxaanuna leenahay sii wada dedaalka aad wadaan.

IMG_0786 (800x533)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
Sida dadka badankiisu la socdaan dakhliga ina soo gala 60% waxa ay ku baxdaa ciidamada iyo nabadgalyada oo ah lafdhabarta dalka,lakiin waanu ku dedaalaynaa in arinka anaga xukumad ahaan aanu qaadano inaanu dhisno ilaa 100 km hadii Ilaahay yidhaahdo.

IMG_0792 (800x533)
Wasiirku waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata kula dar-daarmay qurba jooga reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan inay qaybweyn ka qataan dib u dhiska dalka dhinac walba. Waftiyo kala duwan ayaa dhawaan meelo kale du-duwan oo Yurub iyo carabahaba u bixi doonaan si arinkan looga midho dhaliyo.

IMG_0788 (800x533)
Waxa ugu danbeyntii Su’aalo la weydiiyey uu wasiirki si wacan uga jawaabay, Waxa uuna ku amaanay gudidii kumeel gaadhka ah ee dhawaan la magacaabay UK iyo kulamada ay dhawaan jaaliyada reer Somaliland ee UK la yeelan doonan oo dib la idinka soo sheegi doono.

IMG_0779 (800x533)
Wasiir Xirsi oo kulanka casho sharaftaa hadaladiisa aad loola dhacay kana waramay arimo badan oo dalka iyo dadkaba faa’ido u keeni kara,waxaana dhamaan shacabka reer Somaliland looga baahan yahay in ay tageero u muujiyaan sidii arinkani uu u taabo gali lahaa,Wadooyinka la dhisayaa waaxa ay muhiim u tahay dhamaan shacabka oo dhan siyaabo kala du-duwan.

IMG_0705 (800x533)IMG_0792 (800x533)IMG_0791 (800x533)IMG_0789 (800x533)IMG_0788 (800x533)IMG_0787IMG_0787 (800x533)IMG_0786 (800x533)IMG_0785 (800x533)IMG_0784 (800x533)IMG_0781 (800x533)IMG_0780 (800x533)IMG_0779 (800x533)IMG_0778 (800x533)IMG_0777 (800x533)IMG_0776 (800x533)IMG_0775 (800x533)IMG_0771 (800x533)IMG_0770 (800x533)IMG_0764 (800x533)IMG_0759 (800x533)IMG_0758 (800x533)IMG_0757 (800x533)IMG_0754 (800x533)IMG_0753 (800x533)IMG_0751 (800x533)IMG_0750 (800x533)IMG_0748 (800x533)IMG_0797 (800x533)IMG_0799 (800x533)IMG_0798 (800x533)IMG_0708 (800x533)IMG_0805 (800x533)IMG_0804 (800x533)

IMG_0725 (800x533)

Xamse A Salaan

London www.

salaanmedia.com

IMG_0776 (800x533) IMG_0770 (800x533) IMG_0791 (800x533) IMG_0790 (800x533) IMG_0789 IMG_0789 (800x533) IMG_0788 (800x533) IMG_0787 IMG_0787 (800x533) IMG_0786 (800x533) IMG_0785 (800x533) IMG_0784 (800x533) IMG_0781 (800x533) IMG_0780 (800x533) IMG_0779 (800x533) IMG_0778 (800x533) IMG_0777 (800x533)

IMG_0739 (800x533) IMG_0740 (800x533) IMG_0742 (800x533) IMG_0741 (800x533) IMG_0744 (800x533) IMG_0736 (800x533) IMG_0735 (800x533) IMG_0734 (800x533) IMG_0732 (800x533) IMG_0731 (800x533) IMG_0728 (800x533) IMG_0726 (800x533) IMG_0725 (800x533) IMG_0724 (800x533) IMG_0723 (800x533) IMG_0721 (800x533) IMG_0720 (800x533) IMG_0716 (800x533) IMG_0715 (800x533) IMG_0713 (800x533) IMG_0712 (800x533) IMG_0709 (800x533) IMG_0708 (800x533) IMG_0707 (800x533)

www.salaanmedia.com