Dawladda Itoobiya Oo Hirgalisay Mashruucii Ugu Balaadhnaa Afrika Ee Korontada Hawada Laga Dhaliyo Ah

(SM:Addis Ababa) Mashruuc Ashegoda ee korontada laga dhaliyo dabaysha oo ah kan ugu wayn Afrika, ayaa shaqo ka bilaabay meel u dhow Mekelle magaalo madaxda gobolka Tigray ee Itoobiya.

Shirkadda Faransiiska ee Vergnet, ayaa hirgalisay mashruuca. Mashruuca waxaa maalgaliyay Bangiga BNO Paribas ee Fransiiska, Hayadda horumarinta ee Faransiiska iyo iyo Hay’adda Korontada ee Itoobiya (EEPCo).

 

 

Baahida tamarta laga dhaliyo dabaysha iyo qorraxda iyo biyaha, ayaa korodhay si loo gaadho tamar isku filnaasho, taasoo muhiim u ah horumarka dalka iyo dhimista saboolnimada. Tamarta laga dhaliyo dabaysha, ayaa waxay ka mid tahay tamaraha nadiifka ah ee aan deegaanka waxba u dhimin.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho wargaysaka Slandtoday