Dawladda Kuwayt Oo Maamulka Puntland Gacanta U Gelisay Malaayiin Dollar Oo Lagu Dhisayo Jaamacadda Maakhir

Dawladda Kuwayt Oo Maamulka Puntland Gacanta U Gelisay Malaayiin Dollar Oo Lagu Dhisayo Jaamacadda Maakhir Ee Gobalka Sanaag

Oct 13,2013 Hargaysa (SM) Dawladda Kuwayt ayaa si toos ah oo qaawan u soo farogelisay siyaasadda arrimaha gudaha ee Somaliland, waxaanay lacag malaayiin Dollar ah oo ay ugu tallo gashay Jaamacadda Maakhir ee magaalada badhan ee gobalka badhan ee Somaliland gacanta u gelisay maamul goboleedka Somaliya ee Puntland.
Hay’adda gargaarka ee Kuwait Fund, ayaa toddobaadkii hore wasiirka maaliyadda Puntland la saxeexatay heshiis ay ku maalgelinayso garoonka diyaaradaha ee Garowe iyo Jaamacadda Maakhir State oo ay xarunteedu tahay Badhan, waxaana Puntland lagu wareejinayaa lacagtaas maalgelinta ah oo dhan $ 10 Milyan oo Dollar. Shan milyan waxa loogu tallo galay jaamacadda Maakhir State. Madasha heshiiska waxa sidoo kale joogay wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdillaahi Ilkajiir oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobalka Badhan.
Lacagta Shanta milyan ah ee loogu tallo galay Jaamacadda Maakhir, waxa loo qorsheeyay in dib u dhis logu sameeyo hoolal muxaadarooyinka ardayda loogu jeediyo, shaybaadho, xarumo ciyaareed, Koombiyuutaro iyo dhismaha qaabka jaamacadda.
Xukuumadda Somaliland wax jawaab ah kamay bixin farogelintaas dawladda Kuwayt ay samaysay oo ay dad badani u arkaan inay tahay siyaasad lagu kala furfurayo shacabka Somaliland.

Salaanmedia/Hargaysa Office

Geeska Africa