Dhacdo layaab leh oo caawa ka dhacday Degmada Afgooye

newslogo2

Dhacdadaan oo ah mid layaab badani uu ku dheehan yahay, ayaa waxa ay Maqribnimada caawa ay ka dhacday Isgoyska Baar Ismaaciil, ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Askari ka tirsan Ciidamada Militariga ee Dowladda, xilli uu maraayay Isgoyska Baar Ismaaciil, ayaa waxa si kedis ahayd uu wadada uu ugula kulmay, gaari uu noociisu uu yahay caasi/hoomey.

Gaarigaasii, ayaa dhooqo/biyo wasaqeysan ku firdhiyay askarigii ka tirsanaa Militariga, xilli uu halkaasi roob ka da’ay, ayna roobabkii biyo dhigeen wadada jajabsan ee ku taala aafafka hore ee Afgooye.

Askarigaan oo ka carooday falkaasi, ayaa rasaas oodda kaga qaaday gaarigii, xilli uu rakaab ka soo qaaday Degmada Afooye, kuna sii waday Magaalada Muqdisho.

Waxaa la xaqiijiyay in hal ruux uu ku dhintay rasaastaasi, iyadoo tiro seddex kalana la sheegay in ay falkaasi ku dhaawacmayn. Waxaana dhaawacyada dadkaan la soo gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Arrinta kale ee layaabka leh, ayaa waxaa weeyaan inaan gacanta lagu soo dhigin askariga dilka iyo dhaawacaba geystay, isla-markaana uu isaga tagey goobtii uu falku ka geystay.

Aaga ay dhacdadu ka dhacday, ayaa waxaa deggan Ciidanka Militariga ee Dowladda, ee baaritaanada ku sameeya gaadiidka ku soo wajahan Magaalada Muqdisho, kolka ay ka imaanayaan dhanka Gobolada Koonfureed.

Soomaaliya, ayaa waxaa ka dhaca dhacdooyin layaab leh, marka loo eeggo waxyaabaha aan qiimaha badan ku fadhin, ee loo daadinaayo dhiigga shacbiga Soomaaliyeed.

Salaanmedia/Mogdisho