Dhacdo Naxdin Leh: Aabe Afar Wiil Oo Uu Dhalay Ku Gowracay Deegaanka Gal-xamuur Oo Tirsan Gobolka Hiiraan Ee Somaaliya.

News-Web-Logo.widea

[SM-Gal-xamuur]- Nin la yidhiaahdo Cumar Shire Xasan, ayaa saaka subaxnimadii hore afar caruur uu dhalay ku dilay deegaanka Gal-xamuur ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Somaaliya, una jirta ilaa 30-km magaalada Beledweyne.

Dhacdadan oo dadweynaha deegaankaas ku dhaqan markii ay maqleen warkan naxdinta leh ku noqotay afariird, waxaana la sheegay inuu aabahani uu gawracay afarta wiil ee uu dhalay uu dhawaan ka soo laabtay dalka Canada oo uu in muddo ah ku nool, ilaa hada lama garanayo sababta dhabta ee uu u dilay inamadiisa, caruurtan oo ay da’doodu u dhaxayso 8 ilaa 2 jir.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan, Kornayl Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in eedeysanihi uu ku jiro gacanta dawlada, isla markaana uu ku xidhan yahay saldhigga booliska dhexe ee magaaladda Beledweyne.

Ugu dambayntii Kornayl Isaaq wuxuu sheegay in la aasay maydadka afarta wiil ee walaalaha ahaa, isla markaana la baadhayo sababta aabaahni u laayey caruurtiisa.

Salaanmedia/Mogdisho