Dilkii Ugu Foosha Xumaa Abid Oo Hargeysa Ka Dhacay Hargeysa Iyo Ciidanka Amaanka Oo Ku Dhigay Gacanku Dhiig-leyaashii.

newslogo2

Dilkii Ugu Foosha Xumaa Abid Oo Hargeysa Ka Dhacay Hargeysa Iyo
Ciidanka Amaanka Oo Ku Dhigay Gacanku Dhiig-leyaashii.

Hargeysa [Shiine]- Ciidanka Amaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa
gacanta ku soo dhigay afar eedaysane oo habeen hore ku dilay Xaafada
Sheedaha ee degmada Ibraahim Kood-buur, wiil dhalinyaro ah oo lagu
magaacbi jiray Marxuun Mustafe Cabdi Xaaxi.

Ciidanka booliska magaalada Hargeysa oo ilaa xalayba ku guddo jiray
baadigoobka eedaysanayaasha, ayaa ku guulaystay inay qabtaan saaka
subaxnimadii hore mid ka mida gacan ku dhiiglayaasha oo isagu iska
dawaynayey cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa nabar ka soo gaadhay
dagaalkii dhexmaray marxuunka dhintay, isagoo ciidanka siiyey taasiil
dheeraada oo la xidhiidha dilka ay kula kaceen Marxuun, intaas kadibna
waxa ciidanku soo qabteen sadexdii gacanku dhiigle ee oo baxsad ahaa.

Afartan nin ee gacan ku dhiiglayaasha oo lagu hayo saldhiga Ibraahim
Kood-buur, ayey ciidanka amaanku baadhayan sida ay u dilaan.

Dhanka kale, waxa talaagadda maydka ee cisbitaalka guud ee magaalada
Hargeysa ku jira maydkii Marxuun Mustafe Cabdi Xaaxi oo ilaa hada aan
la aasin.

Khaddar Ali Khum [Shiine].
E-mail: khadarshiine012@gmail.com.
Hargeisa/Somaliland.