Golaha Guurtida Oo Qalinka Ku Duugay In Muddo Sanad Ah Ay Mushaharkooda Qaadhaan Lacageed Uga Jari Doonaan Jidka Ceerigaabo

Sunday, October 13th, 2013 

Golaha Guurtida Oo Qalinka Ku Duugay In Muddo Sanad Ah Ay Mushaharkooda Qaadhaan Lacageed Uga Jari Doonaan Jidka Ceerigaabo

Oct 13,2013 Hargaysa(SM) Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay ku ansixiyay dhaqaale qaadhaan ah oo muddo sanad ah ay bishiiba $100 mushaharkooda uga jari doonaan dhismaha waddada Burco iyo Ceerigaabo isku xidha, arrinkaas oo ay soo jeediyeen guddi uu gudoomiye u yahay xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo shirgudoonku u magacaabay inay ka soo talo bixiyaan doorka goluhu ka qaadanayo qaadhaanka waddadaasi.

Fadhigii shalay ee golahaasi oo uu gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee guurtida, isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha golahaasi Siciid Jaamac Cali oo fadhigaasi uu gudoomiyihii guddiga loo saaray ka soo talo bixinta qaadhaanka jidka Burco iyo Ceerigaabo Md Cumar Waaye uu ka soo jeediyay go’aanada ay ka soo saareen guddigoodu hawshii goluhu u xilsaaray, ayaa sheegay inay go’aan soo jeedin ah iskula garteen in muddo sanad ah mushaharka golaha bishiiba $100 loogu tabaruco jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.

Intaa ka dib waxa uu goluhu ku ansixiyay soo jeedintaasi oo ogolaaday 33 mudane, 3 mudane way diideen hal mudane-na wuu ka aamusay. Codaynta ka dib oo wargeyska Haatuf wax ka waydiiyay gudoomiyaha guddiga golaha u soo jeediyay arrinkaa Cumar Waaye sida uu u arko soo jeedintooda meel martay ayaa waxa uu yidhi “Runtii gole weynaha waanu uga mahad naqaynaa go’aanka ay ku ansixiyeen soo jeedintii aanu gole weynaha soo hor dhignay guddigayagii sagaalka xubnood ahaa ee shirgudoonku noo magacaabay hawshaasi dhismaha waddada Burco iyo Ceerigaabo, oo muddo sanad ah bishiiba $100 mushaharka xubnaha golaha looga jari doono waddada Burco iyo Ceerigaabo oo ah mid hawlbowle u ah guud ahaan dalka iyo qarankaba, go’aan kale oo nooga banaanaana muu jirin”

Salaanmedia/ Hargaysa Office

Source Haatuf