Gudd UCID Iyo Laba Xildhibaan Oo Si Adag U Naqdiyay Sharciyadda Uu Madaxweyne Siilanyo Mudada Ugu Kordhiyay Gudiga Diiwaangelinta.

newslogo2

Hargeysa(SM)-Guddooniyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID xildhibaan Ibrahim Jaamac Rayte oo ka mid ah xisbiga mucaaradka h ee Wadani iyo sida oo kale xildhibaan Qabiile,ayaa ku tilmaamay digreetada uu mudada xilka madaxweynuu ugu kordhiyay gudida diiwaangalinta mid sharci daro ah oo aanu awoodeeda lahayn,iyaga oo sharaxay in xeer 14 oo ay ku aasaasan yahiin gudidaasi kaliyaata loogu ogal yahay muddo xileed laba sano ah.
Sida oo kale xildhibaan Qabile ayaa soo jeediyay in madaxweynaha la baadho xaaladiisa caafimaad ee la xidhiidha dhanka xil gudashadiisa,isagoo oo ku tilmaamay mid ku fashilmay ilaalinta shuruucada dalku ku dhisan yahay, isla markaasn si adag u sheegay in gudidaasi ay tahay sharci daro oo aanay shaqayn karin,mudo xileedkeedana madaxweynuu aanu u kordhin karin.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID iyo xildhibaanadan golaha wakiilada ka tirsan,ayaa sidan ku sheegay waraysiyo gaar ah oo ay kula hadleen wargeyska Geeska Afrika.
Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte) oo ugu horayntii digreetadaas madaxweynaha ka hadlaayay waxa uu yidhi“Gudidan xeer baarlamaan ayaa lagu sameeyay,xeer baarlamaana digreeto laguma-badali karo,xeer baarlamaan waxa wax ka badali kara xeer baarlamaan oo kale, Labada sano ee xeerku gudida uu xilkooda ku eekeeyay madaxweynuuna waxba kama badali karo, ee waxa wax ka-badali kara oo kaliyaata baarlamaanka.madaxweynuuna sharci –daro ayuu cuskanayaa,waana sharci daro oo wax uu u cuskanyaa ma jirto,madaxweynuu waxa uu u baahan yahay inuu talo sharci doonto intaanu go’aan gaadhin.”
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ka tirsan golaha wakiilada kana soo jeeda xisbiga UCID,ayaa isaguna dhankiisa yidhi “Xeerka ka soo baxa golaha ee jaran jarooyinkii maray ee dhaqan-galka ah cidi ma badali karto aan golaha ahayn,madaxweynuu sharciga kama sareeyo, ilamana aha in aanu lahayn la taliyayaal sharci,waana ayaan daro haddii madaxii ugu sareeyay ee dalku uu dhawri waayo shuruucdii iyo xeerarkii dalka uu ku dhisnaa. Qodabada xeer 14-ka mid ah ee 6,8 iyo 10 sadexdan qodaba si cad ayay u sheegayaan mudada xilkooda,qaabka loo dhaarinaayo,marka xilku ka dhamaado inay iyaga intaas kaga eegtahay oo ay xilkaas la wareegayaan komishanka qaranku.wax uu xeer jideeyay madaxweynaha iyo xildhibaan aniga oo kale ah midna sida uu doono ugama-hadli karo.hadday arintani dhacday anigu madaxweynaha ku waanin maayo xayndaabka sharciga ku soo noqo,iskii baanu umadda danbi uga galay, haddii arintan ay dhacday,xeerarka iyo karaamadana umaddaa leh madaxweynuuna qiil uma heli karaayo xiligan, mar haddii xaaladu marayso halkaas in madaxweynaa loo dalbado gudi caafimaad oo eegta awoodiisa caafimaad iyo inuu xilka gudan karo.”
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.FaysalCali Waraabe oo aanu ugu danbayntii la xidhiidhnay,ayaa naqdiyay xeerkaas Madaxweynuhu mudo xileedka uu ugu kordhiyay madaxweynuu gudida diiwaangalinta,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa mar kasta soo cadaanaysa in aanu madaxweynuu si buuxda u shaqaynayn oo kolba waxii la hor dhigo isaga oo aan eegayn sida ay sharciyan dalka u saamaynayso uu saxeexaayo.gudidan diiwaangalinta ee uu maanta u kordhiyay markii horena asxaabtii qaranka ee jirtay kalama’uu tashan iyada oo ahayd inuu nala tashado oo aanu xubnahayaga soo magacawno, sida komishanka qaranka,imikana waxa uu ku celiyay khaladka khaladkiisii oo iyada oo sharciyadii ay ka dhacday oo aanu xaq u lahayn inuu kordhiyo ayuu hadana u kordhiyay. Markaas waxaanu u aragnaa in aan madaxweynuu awood uu sharciga ku ilaaliyo aanu hayn ee kolba waxii dad isaga isticmaalayaa ay hordhigaan uu saxeexaayo,isaga oo aan eegin sida ay qaranka iyo sharciga wax u yeelayso,waanan ka xunahay in dalkiii uu sidaas u socdo,waana sharci daro gudidaasi xaqna uma laha inay shaqeeyaan ee waa sharci daro.”

Geeska