Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Oo Munaasibadda Ciidul Odxa Fariin Hambalyo Ah U Diray Shacabka

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Oo Munaasibadda Ciidul Odxa Fariin Hambalyo Ah U Diray Shacabka


(SM) Monday, October 14, 2013 
Gudoomiyuhu, isagoo shacbiga la wadaagaya farxadda ciidda barakaysan ee Adxa waxa uu illaahay ka baryayaa in uu dambi dhaaf iyo janooyinkiisa ugu deeqo xujayda inagana inooga daba naxariisto. 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa  dhambaal hambalyo ah u diray shacbiweynaha Somaliland gudo iyo dibadba iyo dhamaan shucuubta islaamka munaasibadda ciida weyn ee islaamka ee ciidul Adxa darteed.

Gudoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay dhambaal hambalyo ah oo ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Xasan Dirir waxaanu u dhignaa sidan:Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba gaar ahaan taageerayaasha Xisbi weynaha WADDANI, iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda Ciida Barakaysan, ee Ciidal Adxa awgeed.

 

Gudoomiyuhu, isagoo shacbiga la wadaagaya farxadda ciidda barakaysan ee Adxa waxa uu illaahay ka baryayaa in uu dambi dhaaf iyo janooyinkiisa ugu deeqo xujayda inagana inooga daba naxariisto.

Waxaanu shacbiga somalilanad u rajeeyay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu nagaado.

Gudoomiyuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awgeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan, waxaanu ilaahay uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo.

Gudoomiyuhu isaga oo ka faa?iidaysana munaasibada Ciida barakaysan ee Adxa, waxa uu shacbiga ugu baaqay inaynu wada ilaashano qaranimadeena oo ah raasamaalka kaliya ee aynu haysano, una midowno adkaynta nabad-galyadeena iyo wadajirkeena.

CIID MUBAARAK KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Md. Maxamed Xasan Dirir