Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Magacaabay Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI.

waddani

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa magacaabay Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI.

Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Xisbiga WADDANI, kaasoo lagu magacaabay Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:-

 

“Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) wuxuu maanta magacaabay Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI.

 

Gudoomiyuhu:-

Markuu Arkay:    Qodobka 28aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI.

Markuu Tixgeliyey:    Baahida loo qabo in la buuxiyo jagada Xoghayaha qorshaynta.

Markuu La Tashaday:    Xubnaha Hogaanka Xisbiga WADDANI.

Markuu ku Qancay:    Inuu  hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday:-

In laga bilaabo taariikhda maanta uu Mudane Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) noqdo Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI.

Waxa laga codsanayaa dhamaan xubnaha Xisbiga WADDANI inay la shaqeeyaan Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga, una fududeeyaan wixii hawlo ah.

 

ALLAA MAHAD LEH

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI