Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Iska horimaad khasaaro dhimasho iyo dhaawacba sababay oo ka dhacay inta u dhaxeyso Muqdisho & Afgooye

News logo.widea

Iska horimaadkaan oo u dhaxeeyay Ciidan ka wada tirsan Dowladda, ayaa waxa uu duhurnimada maanta uu ka dhacay Deegaanka Siinka Dheer, ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Iska horimaadkaan, ayaa ka dambeeyay markii Ciidan ka yimid Degmada Dharkiinleey, ay lacago weydiisteen Maamulka Isbitaalka Al Barri’, xilli uu Isbitaalkaasi ka soconaayo Dhisme, isla-markaana uu Maamulka Isbitaalka ku wargeliyay Ciidanka Dowladda ee Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Labada Ciidan oo arrintaan ku dhameyn kari waayay is afgarad, ayaa waxay la taagtay inay is afgaaraan, waxaana xigtay rasaasta nool nool,oo ay halkaasi isugu adeegsadeen.

Iska horimaadkaan, ayaa waxaa la ogyahay inay ku dhinteen laba kamid ah Ciidankii ka yimid Degmada Dharkiinleey, iyadoo laba kalana laga dhaawacay kuwii ka yimid Ceelasha Biyaha, halka hal ruux oo rayid ahna uu ku dhaawacmay.

Rasaasta, ayaa joogsatay markii Ciidanka ka yimid Degmada Dharkiinleey ay halkaasi dib ugu laabteen, halka kuwii kalana ay iyana ku laabteen Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Sidoo kale waxaa uu hakad ku yimid Dhismihii ka socday Isbitaalka, iyadoo dareen laga muujinaayo inay soo rogaal celiyaan Ciidanka, markii hore ka yimid dhinaca Degmada Dharkiinleey.

Goobjooge, ayaa wuxuu lee yahay waxaa jira dareen cabsiyadeed oo ka dhan ah, inay soo rogaal celiyaan Ciidankii labada askari laga dilay, ee ka yimid dhinaca Degmada Dharkiinleey.

 

Salaanmedia/Mogdisho

 




Leave a Reply