Kalfadhigii 26aad ee Golaha Sare Ee Dalada SONYO Oo Ka Furmay Magaalada Boorama

SONYO 2013Boorame (SM)Waxa si rasmi ah uga furmay Magaalada Boorama kalfadhigii 26aad ee Golaha Sare Ee Dalada SONYO, kaasi oo ay ka qaybqaadanayeen gabi agaanba 19ka xildhibaan ee laga soo doortay gobolada Jamhuuriyada Somaliland, waxana goobjoog ka ahaa Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi iyo Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Aayar iyo xildhibaano ka tirsan golaha degaanka ee degmada Boorama.

Ugu horayntii ayaa gudoomiye ku xigeenka dalada SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir oo furitaankii kalafadhigan ka hadlay uu yidhi “Waxa ii farxad ah in maanta uu si habsami ah uga furmo magaalada Boorama kalfadhigii 26aad ee Golaha Sare Ee Dalada SONYO, waxa aan rajaynayaa in mudada 2da maalmood ah ee uu socdo ay ka soo bixi doonaan qodobo wax ku ool ah oo wax ka tara baahida dhilinta Somaliland maanta qabto isla markaana u adeegaya mabaadiida loo aasaasay dalada SONYO”

Gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo isaguna hadalka ka daba qaatay ayaa salaan u diray gabi ahaanba dhalinyarada reer Somaliland waxana uu intan daba dhigay “Waa noo farxad in kalfadhigan Golaha Sare Ee Dalada SONYO uu si rasmi ah noogu furmo, waa siyaasada dalada in afartii bilood ee kastaba dib loo eego hawlaha ay dalada heer qaran ee SONYO ku foogan tahay ee ay u hayso dhalinyarada Somaliland oo dhan, waxa kalfadhigan lagaga wada hadli doonaa waxyaabo badan oo quseeya hormarka dhlinyarada Somaliland, baahida maanta jirta iyo duruufaha ku gadaaman dhalinta iyo sidii looga gaashaaman lahaa, mudada uu kalfadhigu socdo waxa aan dib u eegis ku samayn doonaa waxyaabahii dalada u qabsoomay afartii bilood ee la soo dhaafay, sidoo kale waxa aan ku qorshayn doonaa waxyaabaha u baahan in diirada la saaro ee la qaban doono afarta sano ee soo socota”

Gudoomiye Mubaarik waxa uu yidhi isaga oo ka hadlay masiibada qaran ee Tahriibta ee dhalinta Somaliland dhabarka ka jabisay “Waxa ay dalada SONYO tacsi u diraysaa dhamaan qoysaska reer Somaliland ee ay dhalintiidu ku naf wayday masiibada heer qaran ee tahriibta, waan dareensanahay inay Tahriibtu tahay masiibo qaran, waan ka xunahay dhalinta ku nafwayday, waxana aan ku baaqaynaa in talo qaran laga yeesho”

Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi oo halkaasi ka hadlay ayaa carabaabay in SONYO ay wax badan ku guulaysatay hiigsiga ujeedooyinkii loo aasaasay waxana uu yidhi “ Waa hubaal inay SONYO soo saartay dhalin badan oo maanta hanaanka talada dalka iyo siyaasada ka qayb qaata, sidaas oo kale waxa SONYO ka soo baxay dhalin badan oo wax tar u leh bulshada, waxana hubaal ah in hadii rag badan oo maanta axsaabta siyaasada ku jira ay ahaan lahaayeen kuwo carbisan hadii ay bahda SONYO ku jiri lahaayeen isla markaana ay hufnaan kaga qayb qaadan lahaayeen toosinta iyo tusaalaynta masiirka umada Somaliland maanta”

Maayar Saleebaan isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Mar hadii SONYO wax badan ka midho dhalisay hiigsiga himiladaasi, waxa loo baahan yahay in culayska iyo tamarta ay isugu gayso sidii ay bulshada uga wacyi galin lahayd masiibada TAHRIIBRA oo maanta ah dhibaato balaadhan oo dhalinteena u soo hoyatay”

Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Maxamed oo isagu kalfadhigan si rasmi ah u furay ayaa yidhi “Waxa aan ku farxsanahay inaan markii koowaad dalada SONYO kala soo qayb galo kalfadhi ay leeyihiin, sidoo kale waa wax lagu farxo in la arko dhalinyaradii Somaliland oo dalad ku midaysan, waxana ay astaan u tahay dalku sidii uu isugu xidhmi lahaa maadaama oo xooga dalku u badan yahay dhalinyaro, sidoo kale dhalinyaradu waa awooda qaran leeyahay ee uu ku fadhiyo”

“Mar hadii aaad tihiin dhalintii iyo xoogii dalka ee maata iyo sidoo kale madaxdii dalka ee barito, waxa la idiinka baahan yahay inaad u guntataan in daad dalkiina dib u dis ku samaysaan isla markaana aad taageero u noqotaan in la taabo galiyo nidaamka dawliga ah ee dalkeena ka jira oo u baahan in la baxnaaniyo oo la sii taaba galiyo, waana hubaal wax badan oo is jiidjiidasho ah oo ka jirta dalka in aad dhalinyaro ahaan tihii cida kaliya ee dhex u noqon karta oo kan qaldan qaban karta kan saxana hiilka u noqon karta. Waxana aan ku faraxsanahay in dhalintu maanta ay qayb ka noqoto hanaanka dawliga ah ee dalka oo ay baryihii hore ka madhnaan jireen, waxana loo baahan yahay inaad sida ugu haboon uga faa’iidaysaan mansabka dhalinyaro nimo ee aad xambaarsan tihiin, noqdana kuwo dhalinta ka wacyigaliya Tahriibta maanta masiibada ah, una sheesha dhalinta inay ka waantoobaan” ayuu hadalka ku soo gabagabeeyay Gud. Cabdoo.

Si kastaba ha ahaatee dalada dhalinyarada Somaliland ee heer qaran ee SONYO waxa ay u ololaysaa helida iyo hirgalinta siyaasado cad-cad oo horseeda shaqo abuuris lagu jiheeyo dhalinyarada dalka, laguna maalo cilmigooda casriga ah caqligooda iyo cududooda dihin.

Salaanmedia/Boorame
 

TOP