KHATARAHA DHAQAALE IYO AMNI EE DEKEDA CUSUB EE JIBUUTI DHISANAY KU LEEDAHAY SOMALILAND GUULEED AXMED DAFAC

 

 image

Dhowaan madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jibuuti wuxuu dhagax dhigay deked cusub oo ay yeelanayso Jibuuti taas oo laga dhisayo duleedka xuduudka Somaliland.

Sida ay sheegtay dawladda Jibuuti, dekeda cusub waxa loo dhisayaa si looga dhoofiyo xoolaha nool. Qoraalkan waxaynu kaga hadli doona khatarta amni iyo midda dhaqaale ee ay Somaliland ku keeni doonto dekedaa cusub iyo waxa xalku noqon karo.

Dawladda Somaliland lacagta u badan ee miisaaniyada, qiyaastii 70%, waxay ka soo gashaa cashuuraha dekeda Berbera. Kuwaas oo intooda badan laga qaado xoolaha nool. Sidoo kale guud ahaan dhaqaalaha Somaliland waxa laf dhabar u ah dhoofinta xoolaha nool. Dhibaato kasta oo ku timaada dhoofinta xoolaha nool waxay Somaliland uga dhigan tahay in la jaray dhuuntii nolosha.

Xoolaha ka dhoofa dekeda Berbera maaha dhamaantood xoola ka yimaada dhulka Somaliland. Qayb badan oo ka mid ah xoolahaasi waxay ka yimaadaan dhul daaqsimeedka Hawd ka ee dhaca gudaha xadka Ethiopia. Dhulkaas dadka degan waa xoolo dhaqato reer Somaliland ah oo aan iyagu wax xuduud ah aqoonsanayn, balse xoolohooda ula guura hadba meesha ay doonaan. Ethiopia oo ah dal aan lahayn bad waxay u aragtaa in xoolaha ka dhoofa dekeda Berbera ay yihiin xoolo ay leedahay Ethiopia sidaasdarteed, waxay mudo dheer ku taamaysay inay hesho fursad ay xoolo kaga dhoofiso Berbera. Arinkaas oo ay diiday Somaliland oo u aragta in xoolahaasi yihiin xooleheeda.

Dekeda Jibuuti maah deked awood u leh inay dhoofiso xoolo. Sidaasdarteed, Ethiopia may haysan meel ay ka dhoofiso xoolo. Taasina waxay u ahayd Somaliland nefis.

Sida cad hada waxa heshiis wada gaadhay Jibuuti iyo Ethiopia. Waxa laga dhisayaa deked gudaha Jibuuti waxana la doonayaa in laga dhoofiyo xoolaha Somaliland. Xusuusnow, Jibuuti ma laha xoolo ay dhoofiso. Waydiintu waxay tahay khatar intee leeg bay ku tahay Somaliland dekedaas cusubi?

Khatar Dhaqaale

Sida aynu hore u soo sheegnay dhoofka xooluhu waa dhuunta nolosha dhaqaale ee Somaliland. Dhaqaalaha dalka waxa laf dhabar u ah xoolaha nool. Miisaaniyadda Somaliland na waxay ku dhisan tahay xoolaha nool.

Xooluhu waa waxa u badan ee Somaliland debeda u dhoofiso ee ay ka hesho lacagta adag. Hadii ay istaagto dhoofinta xoolaha nool, waxaa meesha ka baxaya awooda dhoofinta ee Somaliland leedahay.

Khatarta Amni

Hadii hoos u dhacdo ku yimaado ama ay joogsato dhoofinta xoolaha nool, waxa meesha ka baxaysa lacagta soo gasha dawladda Somaliland ee ay ku wado dalka. Taas oo ay ku bixiso mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha.

Sidaasdarteed, way kacay dawladda Somaliland mana yeelanay awood ay ku maamusho dalkeeda, kuna ilaaliso jiritaankeeda. Waxa hubaal ah inaanu jiri karin dal aan dhaqaale haysan.

Xalku Muxuu Yahay?

Dal waliba wuxuu xaq u leeyahay inuu difaacdo danihiisa meel kasta oo ay ka gasho. Waa taas sababta Masar ay ugu heelan tahay inay dagaal ka xigto biyo xidheenka Ethiopia ka dhisanay gudaha dalkeeda. Waa taas sababta dawladina anay ugu eekeen xuduudeheda marka jiritaankeedu khatar galo.

Sidaasawgeed, waxa la gudboon Somaliland inay qaado talaabo adag si ay uga hortagto dhisida dekedaas. Taaso ay ugu horayso inay si dipblomaasiyadeed ku wajahdo. Hadii se taasi shaqayn waydo waxay Somaliland xaqu leedahay, waajibna ku ah inay dagaal ka xigto dhisida dekedaas oo khatar ku ah qaranimadeeda.

 

Guuleed Axmed Dafac

Hargeisa Somaliland

dafac02@hotmail.com

063 4468227