Kulan soo dhaweyn iyo is waraysi Suldaanka beesha Direed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Ismaciil oo London ka dhacay.

6

Kulan Xalay ka dhacay Hotel ku yaala badhtamaha magaaladda London oo ay isugu yimadeen qaar ka mid ah aqoonyahanada,odayaasha.dhalinayrada,Haweenka  beesha Direed ayaa lagu soo dhaweynaayey Suldanka Guud ee beesha Direen Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Ismaciil,Kulanka oo ku  dhinaca kale  lagu soo qaaday sidii loo der-der gelin lahaa hawlaha beesha ee gudo iyo dibadba ka socda iyo arimahii ugu danbeeyey ee soo kardhayba.

2

Ugu horeyn Aayado Quraana ka dib waxa hadalo koo-kooban kasoo jeediyey qaarka mid ah qurbajooga oo kulanka casho sharafta ah kasoo qaybgalay iyo Warbixino ku saabsan xaaladda guud ee Beesha Direed.Waxa kale oo lag iska waraystay sidii hawlaha loo sii wadi lahaa. 

4

”Ahmed Caynaanshe waa aqoonyahan reer London kana mid ah dadka sida aadka ah ula socda hawlaha beesha, waxa uu aad ugu mahadceliyey dhamaan dadkii kasoo qaybgalay kulankan casho sharafta ahaa ee aan doonaayey in aynu kusoo dhaweyno Suldaanka Beesha Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Ismacil Waxa uuna ku booriyey aadna ula dhacsan yahay sida wanaagsan ee hawsha Beesha Direed u socoto waxa uuna kula taliyey in ay hawlaha sii laban -labaan” lana sii laban-laabo kulamada noocan oo kale ah.

1

Waxa iyana hadalo kale du-duwan oo talooyin iyo hawlaha beeshaba kulanka casho sharfta ah kasoo jeediyey qaar ka mid ah marti sharafkii kulanka kasoo qaybgalay oo isugu jira talooyin iyo dhiiri galin hawlaha socda.

3

Ugu danbeyntii Suldaan guud ee beesha Direed Suldaan  Cabdiqaadir Suldaan Ismaciil oo hadalo kooban kulanka kasoo jeediyey waxa uu ugu horeyn aad ugu mahadceliyey dadkii soo qaban-qaabiyey kulankan caawa ee aad igu soo dhaweyseen Waxayna ii tahay sharaf inaan idinkala soo qaybgalo .Waxa uu suldanku hadalo aad u qimo badan oo isugu jira DUCO iyo dhiiri galin in hawsha lasii xoojiyo lana mideeyo sidii beesha Direed ee qurbaha ku nooli iyo gudahaba ay isugu xidhanaan lahaayeen,dhinaca  kale  Waxa uu Suldaanku aad ugu amaanay shirkii dhawaan ka dhacay London iyo sidii uu muhiimka u ahaa waxa uuna ku booriyey dhamaan shacabweyna beesha Direed in ay ka qaybqataan hawlaha socda ee ku saabsan horumarka beesha. Suldaanku ugu danbeyntii waxa uu hadalkisii kusoo khatimay   talooyin fara badan oo ku saabsan beesha Direed  dalkan Ingiriiska iyo dalka dabadiisada.

Salaanmedia.com/London

5


 

 

 

 

 

Â