Maayarka Saylac Oo Lacag Loogu Tallo galay dayactir dugsi ka gudoomay Haween Qurbo-joog ah

Maayarka Saylac Oo Lacag Loogu Tallo galay dayactir dugsi ka gudoomay Haween Qurbo-joog ah

October 6th, 2013  

Maayar Xuseen IIdleSAYLAC (SM)-Maayarka magaalada Saylac ayaa la wareegay lacag dhan $3050 oo dolar taasi oo ay soo direen haweenka jaaliyada Awdal eek u dhaqan dalka Ingiriiska isla markaana loogu talo galay in dayactir loogu sameeyo dugsiga Hoose Dhexe ee Saylac.

Lacagtan ayaa waxa loo soo wakiishay Marwo Caasha Cabdilaahi Kaluunle ayaa waxa ay xustay meesha ay lacagtani ka timid waxana ay tidhi “Lacagtan waxa ay ka timid gabdho muwaadiniin reer Awdal ah oo kala jooga magaalooyin dhawr ah oo ka tirsan UK kuwaas oo ay ka mid yihiin Leister, Birmingham Bristol iyo London, haweenkan ayaa waxa ay I soo gaadhsiiyeen lacag dhan $3050 doolar oo ka timid magaalooyinkaasi aan soo xusay, waxana ay igu adkeeyeen inaan gacanta kaga rido maayarka Saylac si wax loogaga qabto dildilaac badan iyo qabyo ka muuqata dugsiga Hoose Dhexe ee Saylac, isla markaana loogu dhiso suuliyada oo aad u dayacan, lacagtan oo aan mudo hayay, waxa maanta ii suura gashay inaan ku wareejiyo Maayar Xuseen Iidkle, waxana aan u ducaynayaa dhamaan haweenkii soo diray oo aan leeyahay Eebe miisaanka xasanaadka ha idiinku daro”

Marwo Khadra Cismaan Ducaale oo iyaduna ka hadashay halkaasi ayaa ka marag kacsday in haweenkan maanta soo diray lacagtan ay soo arkeen baahida taala degaankooda waqti ay  kormeer indho indhayn ah ku soo mareen guud ahaan gobolka Awdal “Waa hubaal oo maanta waad ka midho dhaliseen balantiinii ahayd inay gacan ka gaystaan daboolida baahida dhinaca dugsiga ah ee Saylac, waxana aan ku boorinayaa dadka kale ee degaankan u dhashay ee ku dhaqan qurbaha inay gacan ka gaytaan hormarka iyo gurmadka ay u baahan yihiin dadka degaanku”

Sidoo kale Maayar Xuseen Iidle Barkhadle oo halkaasi ka hadalay ayaa yidhi“Aad ayaad ayaan ugu mahadnaqayaa haweenka soo diray lacagtan, waxana aan ogahay sida aad aalaaba dadkiina ugu dalaadaysaan ee aad u jeceshihiin inaad wax uga qabataan baahiyaha degmadeena Saylac ee tirada badan, waxana aan idinka balan qaadayaa in lacagtani ay gasho meeshii aad ugu talo gasheen oo ah dayactirka dugsiga hoose dhexe ee Saylac”

Suldhaan Muuse Cilmi Dugsiiye oo isaguna goobjoog u ahaa lacagtan markii la wareejinayay ayaa waxa uu yidhi “Waa guul iyo waxqabada muuqda oo u baahan in lagu daydo, waxa aan u mahadnaqayaa haweenkan soo bixiyay qaadhaankan, waxana aan leeyahay waxa ay mudan yihiin in lagu daydo, taasi oo ah fariinta aan gaarsiinayo qurbojooga kale oo aan leeyahay ku dayda oo wax ka soo tara sidii loo dabooli lahaa baahiyaha tirada badan ee ka jira gobolka Awdal.

Si ksataba ha ahaatee in qaadhaan lacag ah oo dib loogu yabyabo dugsi ku yaala Somaliland laga soo diro qurbaha waxa ay astaan u tahay sida ay wali qabyooyin badani ugu yaalaan Wasaarada Waxbarashada Somaliland, waxana tani u daliil ah in dugsigan maanta loo qaadhaamayaa uu ku yaalo magaalo ku abtirsata mida sedexaad ee dakhliga ugu badan soo galisa Somaliland.

Salaanmedia/Boorame