Madaxweynaha Dawlada Federalka Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud Ayaa Kulan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibada Dalka Holand.+ SAWIRO

Muqdisho(SM)- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda, ganacsiga iyo horumarinta iskaashiga ee dalka Netherlands, Marwo Liliaanne Ploumer oo booqasho ku joogta caasimadda Soomaaliya ee muqdiso .

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Netherland iyo sida dowladda Netherlands ay u kordhin karto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

Wufuud caalami ah ayaa toddobaadkan ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho. Ku xigeenka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee toddobaadkan soo gaadhay  magaalada Muqdisho, lana kulmay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

Wufuudahan ku soo noqnoqda waddanka Somalia ayaan waxqabad rasmi ah ka geysan dawlada diciifka ah ee  Somalia walow ay mar walba sameeyaan balanqaadyo dhalanteeda oo aan midho ka soo gu’in .

1234567

Salaanmedia/Mogdisho