Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii Oo Gaadhay Turkiga

Turkiga

Ankara (SM)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed  Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayo ayaa si rasmiya u cago dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada qadiimiga ah ee istaanbuul.

Halkaas oo uu Madaxweynaha iyo weftigiisu ay habeenkii xaly ka waxaana madaxweynaha ku qaabilay kuna soo dhaweeyey garoonka  masuuliyiinta wadanka turkiga, waxaana weftiga madaxweynaha la dejiyey hotel loogu talo galay.

turkiga2

waftiga maxadwaynaha ayaa maalmaha soo socda la kulmi-doona raysalwasaaraha iyo madaxda kale ee wadankan Turkiga.

Weftiga Madaxweynuhu waxay marti qaad rasmi ah ka heleen dawladda dalkaasi, waxaanay labada dawladood ka wada xaajoon doonaan qodobo la xidshiidha sidii loo sii taabo-gelin lahaa wax wada qabsiga labada wadan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo socdaalkan ku weheliyay Marwadda Koowaad, Wasiirrada Arrimaha dibadda, Ganacsiga iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.




Leave a Reply