Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu Hogaaminayo oo Si wayn loogu soo dhaweeyay Kismaayo(Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kadib diyaarad gaar ah oo ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wariyaal kusugan Magaalada Kismaayo ayaa Sawiro kasoo Qaaday Madaxweynaha iyo wafdiga lasocda Wuxuna Sheegay in si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay gudaha Garoonka Kismaayo halkaasi ay kusugan yihiin Masuuliyiinta Maamulka Jubba iyo Boqolaal dadweyne oo loogu tala galay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo xubnaha lasocda.

Madaxweynaha iyo xubnaha lasocda ayaa hada kusugan garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo , waxaana la filayaa in wafdiga Madaxweynaha hogaaminayo loo galbiyo gudaha Magaalada Kismaayo.

Amaanka Garoonka Diyaardaha Kismaayo iyo guud ahaan Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana halkaasi kusugan Ciidamo tiro badan oo katirsan Maamulka Jubba , Ciidamada ilaalada gaarka u ah Madxaweynaha iyo Ciidamada AMISOM ee Kismaayo jooga.

Wafdiga Madxaweynaha Hogaaminayo ayaa la filayaa in caawa ku hoydaan Magaalada Kismaayo sida aan Wararka ku heleyno , waxa ayna kulamo kala duwan la qaadan Doonaan Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Jubba iyo qeybhaa kala duwan ee Buslada Magaalada Kismaayo, iyagoo sidoo kale booqan doona goobo muhiim ah ay ku jirto Dakada Kismaayo.

Waa safarkii ugu horeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago Magaalada Kismaayo waxa sidoo kale Safarka Madaxweynaha ee Kismaayo ku tagay maanta ay noqoneysaa booqashadii ugu horeeysay oo Madaxweyne ku tago Kismaayo tan iyo Dowladii dhaxe ee Dalka.

Salaanmedia/Mogdisho







 

 

· admin on October 31 2013 · Print