Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Waxa Uu Tacsi U Dirayaa Marxuum Maxamed Xaaji Hadliye Oo Shalay Lagu Aasay Borama.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Waxa Uu Tacsi U Dirayaa Marxuum Maxamed Xaaji Hadliye Oo Shalay Lagu Aasay Borama.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) Iyo Marwada labaad ee dalka ahna Xaaskiisa Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan iyo Caruurtoodu waxaa ay tacsi tiiraanyo leh marka hore u dirayaan dhamaan umada iyo shacabka reer somaliland iyo eheladii,qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamed Xaaji Hadliye oo ka mid ahaa haldoorkii Somaliland waxaana uu madaxweyne ku xigeenka iyo qoyskiisu ilaahay uga baryayaan in uu samir iyo iimaan ka siiyo reer xaaji Hadliye iyo dhamaan shacabka reer Somaliland, geeridaasi naxdinta leh ee ku timid Marxuumka Maxamed Xaaji Hadliye Ilaahayna waxaa uu uga baryayaa in ilaahay janadii fardawsa ka waraabiyo oo dambi dhaaf iyo maqfiro siiyo aamiin aamiin aaamiiin.

ALLAA MAHAD LEH
MADAXWEYNE KU XIGEENKA SOMALILAND
Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici)