Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Marxuum Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) Oo Maanta Ku Geeriyooday Hargeysa

(SM:Hargaysa) Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo) wuxuu tacsi u dirayaa Bah-Weynta Suugaanta ee ku hadasha Afka Somaliga meel ay joogaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeisa 22.10.2013 laguna aasay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Abwaanku.

Madaxweynuhu wuxuu MARXUUMKA ku tilmaamay Abwaan qaran oo ka baxay bulshada ku hadasha afka soomaaliga, waxaanu ahaa Halgamaa magac iyo taariikh ku dhex lahaa bulshada Somaliland isagoo door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, ILLAAHAY-na waxa uu  MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bah-Weynta Suugaanta, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.