Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Madaxweyne Siilaanyo Oo Mudo laba Sano Ah ugu Daray Gudi Diiwaan galinta Waaydan la garan layahay Waajibaadkooda.

Siilaanyo

Date: –14 / 10/201 WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay  JSL/M/XERM/249-2108/102013 uu xilkii ay hayeen ugu cusboonaysiiyey Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                  Qodobka 3aad, Faqradiisa 6aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011.

 

Markuu Arkay:                  Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Qodobkiisa 3aad, Faqradda 6aad oo jideynaysa in muddada Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabtu  tahay 2 sanno oo ka bilaabanta maalinta la dhaariyo.

 

Markuu Ogaaday:             In xilligii dhaartu ay ahayd 04/10/2011-kii kuna eekayd 04/10/2013.

 

Markuu Arkay:                  In Faqradda 6aad ee Qodobka 3aad ee Kaabista iyo wax-ka-beddelka Xeer Lr. 14/2011 uu awood sharci u siiyay Madaxwaynaha muddo kordhinta Guddida, isla markaana ku xadiday muddo kordhinta Laba (2) sannadood;

Markuu Arkay:                  Baahida loo qabo jirtaanka iyo sii socodka Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta ee la xidhiidha waajibaadka loo xil saaray;

 

Wuxuu go’aansaday

In Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka u cusboonaysiiyo muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.

 

 

ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 




Leave a Reply