Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha JamhuuriyaddaSoomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismail Omar Gelle ka hor shirka Madaxweynayaasha Midowga Afirka.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal, arrimaha amaanka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo Djibouti ay xubin ka tahay iyo arrimaha shirka Midowga Afrika oo looga hadlayo xiriirka u dhaxeeya Midowga Afrika iyo Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamud ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Madaxweyne Ismail Omar Gelle doorkiisa ku aadan arrimaha Soomaaliya iyo sida ciidamada Djibouti ay howlo wanaagsan uga hayaan dalka Soomaaliya oo ay bulshada Soomaaliyeed kalsooni buuxda ka sameysteen.

Labada Madaxweyne shirkooda ka dib waxey ka wada qeybgaleen shirkii Midowga Afirka oo ajendayaasha looga hadlayo maanta ay yihiin xiriirka Midowga Afrika iyo Maxkmadda Danbiyada Caalamiga ah, falalka aragagaxiso ee ka dhacay dalalka Kenya iyo Nigeria.

Waxaa shirka Madaxweynayaasha Afrika furay Madaxa Midowga Afrika Ms Zuma iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia oo labadaba sheegey in Midowga Afrika dhowr jeer cabashooyin u gudbiyeen Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah, hase yeeshee aan waxba laga qaban cabashooyinkaas. Sidoo kale labada mas’uul waxey sheegeen in Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah ay si gaar ah u beegsato madaxda Afrika, taasoo aan caddaalad aheyn.

Madaxweynayaasha Afrika ayaa weli ka doodaya xiriirka Midowga Afrika iyo Maxkamadda Danbiyada Caalamiga. Salaanmedia.com/Mogdisho