Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Iyo Marwadiisa Huda Barkhad Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

(SM-Hargaysa) Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mud: Daahir Rayaale Kaahin iyo marwadiisa Huda Barkhad ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Hargaysa. Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa dalka ka maqnaa mudooyinkii ugu danbeeyay isagoo ku sugnaa waddanka Faransiiska, diyaarada uu la socday Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo Xaaskiisu waxay ka soo raaceen waddanka Jabuuti.

rayaale

Mud: Daahir Rayaale ayaa kula noola waddanka Faransiiska qoyskiisa oo halkaas degan, wuxuuna dalka ka dhoofay kadib khilaafkii xooganaa ee Xisbiga UDUB sababta u noqday inuu saxadda siyaasadda ka-baxo, tan iyo mudadaas wixii ka danbeeyay kamuu soo muuqaan masraxa siyaasadda. Lama garanaayo wakhtiga uu dalka ku sugnaan doono iyo inuu rasmi ahaan u soo guryo noqday. Wariyayaal ka tirsan Shabakadda Wararka ee Somalilandtoday.com oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Hargaysa wakhtigii uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale iyo Xaaskiisu ka  soo degayeen garoonka, ayaa isku dayay  inay wax ka waydiiyaan u jeedada soo laabashadiisa, balse umay suurto galin inay wax ka ogadaan kadib markii uu ka cudur daartay Mud: Daahir Rayaal Kaahin,  su’aalihii  ay wariyayaashu la holadeen.

Salaanmedia/Hargaysa