“Magaaladani (Berbera) Dib U Xorayn Ayay U Baahantahay, Meel Dadka Laga Caayo Noqon Mayso, Dib Baa Loo Xoraynayaa, Taas Ku Tallo Gala”

Berbera(SM)-Mujaahid Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), ayaa sheegay inaanay magaalada Berbera noqon doonin meel dadka laga caayo, waxaanu intaas raaciyay in mar labaad la xorayn doono.

 dhagawayne

Mujaahid Dhegaweyne, oo shalay ka qayb galay soo dhawayn loo sameeyay murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, oo dalka ku soo laabtay,  wuxuu dadweynaha reer Berbera ee xisbiga UCID taageersan ku wargeliyay in taageero intaas ka balaadhan laga sugayo. “intaas in ka badan ayaa la idiinka eegayaa reer Berberoow.” Ayuu yidhi Ibrahim-Dhegaweyne.

 

Waxase uu intaas raaciyay hadal isugu jiray digniin iyo dardaaran, isagoo yidhi, “Magaaladani dib u xorayn ayay u baahantahay.”, wuxuu haddana intaas ku daray, “Meel dadka laga caayo noqon mayso, halkan dib baa loo xoraynayaa, taas ku tallo gala.” Laakiin hadalkiisa muu raacin wax faahfaahin ah.

 

Hadalka Ibrahim-Dhegaweyne, waxa sacabka u tumay dadweynihii badnaa ee dhagaysanayay, kuwaas oo ugu hal celiyay ereyo soo dhawayn ah.

 

Waxa isna halkaas ka hadlay Jamaal Cali Xuseen, oo u mahadceliyay dadweynihii soo dhaweeyay, waxaanu ka xog waramay safarkiisa iyo waxyaabaha uu la soo kulmay, waxaanu si adag u dhaliilay golaha wakiilada Somaliland oo uu sheegay inay indhaha ka qarsanayaan ceebo uu sheegay inay ku jiraan miisaaniyadda sannadka oo uu wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Samaale horgeeyay.

 

 Source: Geeska