Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Oo Deeq Lacaga Gaadhsiisay Fanaanka Abdi Tahliil Warsame (Daawo Sawiro)

Oct 30,2013 Muqdisho (SM) Marwada madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta deeq lacageed gaarsiisay Cabdi Tahaliil Warsame oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed oo in mudda ah ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho.

Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa u Duceeysay fanaanka,iyadoo Ilaaah uga barisay in uu cafimaad deg deg ah siiyo.
Gabadh uu dhalay Cabdi Tahaliil Warsame ayaa ka mahadcelisay deeqda ay marwada madaxweynaha soo gaarsiisay aabaheed.
Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Sahro Cumar Xasan ayaa sidoo kale maanta deeq lacageed gaarsiisay haweeneey uu ninkeeda gubay oo ku nool degmada Cabdi Casiis ee magaalada Muqdisho.
1
Guddoomiyaha degmada Cabdi Casiis C/laahi Xuseen Xasan Fanax ayaa ka mahadceliyay deeqdan ay marwada madaxweynaha gaarsiisay haweeneeydan oo wali uu ka muuqdo dhaawacii ka soo gaaray dabka uu qabadsiiyay ninkeeda.

Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan ayaa sidoo kale maanta deeq lacageed gaarsiiyay 5 caruur oo iyaguna gubtay kuwaa oo jiifa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho,iyo gabar yar oo laga keenay magaalada B/weyne taasi oo xanuunkeeda wax looga qaban waayay dalka.
Xildhibaan Xamsa oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayay marwada madaxweynaha u wakiilatay in ay qaar ka mid ah deeqahaasi gaarsiiso dadkii loogu talo galay2,3,46

6