MURASHAXA MADAXWEYNANIMADA XISBIGA UCID OO HAMBALYO U DIREY SHACABKA REER SOMALILAND MUNAASIBADDA CIIDA AWGEED

jamaal cali xusen

Hargeysa(SM):-Murashaxa madaxweynanimada Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland iyo taageerayaasha Xisbiga UCID(meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba), iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda Ciida Barakaysan, ee Ciidal Udxa awgeed oo maalinta berri oo Salaasa ku beegan.

 

 

Murrshaxa madaxweynaha Xisbiga UCID  Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegey Warsaxafadeed qoraal ah oo uu soo saaray

 

Murrashax Jamaal, isagoo shacbiga la wadaagaya farxadda ciidda waxa uu ILAAHAY ka baryayaa inuu uu naarta innagga xorreeyo. Waxaanu shacbiga somalilanad u rajeeyay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash,

 

 

 

Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu reeyo.

 

Jamaal Cali waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awegeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan waxaanu ilaahay uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo.

Murrashaxu isaga oo ka faa?iidaysana munaasibada CIIDA barakaysan, waxa uu shacbiga ugu baaqay inay dhammaan isa-saamaxno, una midoobaan adkaynta nabad-galyada iyo dhismaha QARANKA SOMALILAND….. saamax-naakum.

 

 

 

 

CIID MUBAARAK…..CIID MUBAARAK……CIID MUBAARAK

 

“KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR”