Nimanka Madaarka Hargeysa ee lacagta kaashka ah loo hayey 600-MITIR ku dari waayey miyaa waddo 370km ah dhisaaya?

MAQAAL

Nimanka Madaarka Hargeysa ee lacagta kaashka ah loo hayey 600-MITIR ku dari waayey miyaa waddo 370km ah dhisaaya?

Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa  saxaafada  madaxabanaan iyo  qorayaasha  sharafta, mudan, akhristayaasha  sharafta  leh waxaan  ku  salaamayaa  salaamta  islaamka “ASCWW”

 

Salaam ka  dib  waxaan  doonaayaa  in  aan  ummada  gaadhsiiyo  fariin, aan  isleeyahey  waad  ku  saxsantahey , fariintaasi  waxaa  weeyey  digniin  dadka  aan  uga  digaayo  kooxa  xaaraan  quutayaalka  ah  ee  dadka  u  sheegta  dowladnimada  iyo  mansabyada  lagu  shaqeysto  ee  sida  wasiir, IWM.

 

Hadaba  waxaa  beryahan  danbe  aynu  maqleynaa  waxaa  lacag  loo  gurayaa  wadada  ceeri  gaabo iyo  burco,  ma  xuma  oo  dadkaasi  waa  dad  walaalaheen  ah  ooy  dhibaato  badan  ka  heysato  xaga  waddo  xumida, inkasta  oo  dhulkeenu  uu  waddo  u  wada  baahanyahey ilaa 90/100  , ayaa  hadana  la  sii  kala  baahi  badanyahey  waan  runtii  jeclaan  lahaa  in  waddaasi  la  dhiso.

 

 

Balse  su’aasha  meesha  taalaa  waxaa  weeyey  yaa  waddada  dhisaaya  ma  wasiir  xirsi  iyo  wasiir  usaama,  iyo  wasiir  samaale  janoka  bood?

 

 

Waxeynu  la  soconaa  in  shaley  iyo  maanta  xitaa  wasiir  xirsi  uu caruurtii  yaryareyd  ee  iskuulada  hoose   ee  teanageka  aheyd  uu  lacag  ka  ururinaayo  waa  wax  laga  xumaado  in  wasiir  xirsi  dadku  ay  talaabo  ka  qaadi  waayaan  oo  uu  xitaa  iskuuladii  lacag  ka  urursaaanyo  oo  uu qaab  foolxun  u  dawarsanaayo!

 

Aan  u  suu  noqdo  kooxda   wasiirada  ah  ee  siilaanyo  qaarna  qabiilka  ku  shaqaaleysiiyey  qaarna  adeegaaylkiisa  u  yahiin,  waxaynu  ogeyn  in  madaarka  hargeysa  loogu  deeqey  lacag  dhan  10-malyan  oo  dollar, waxeynu  ognahay  in  ilaa maanta  la  laayahey  lacagtaasi  meel  ay  jaan  iyo cidhib  dhigtay si  cad  oon  gabasho  laheyna  loo  xaday  iyadoo  la  is  garabsanaayo, madaxweyne, siilaanyo  iyo  kooxda  wasiiro  ku  sheega  ah  ee  uu  u  horeeyo  wasiirka  duulista  iyo  hawada  mr usaama.

 

Waxeynu  ognahey  in  si  cad  loo  diidey  in  dadweynaha  laga  qanciyo  meesha  ay  lacagtaasi  martey  iyo  cidii  ka  muuslka  aheydba, sababtoo  ah  waxaa, meesha  ka  jirta  koox  soo  shaqo  tagtay  oo  boobka  hantida  ummada  u  heshiisey  waliba   qaab  qabiilnimo,

 

 

Hadaba  miyaa  maanta  dadka  noocaasi  ah  ee  sidaasi u  dhaqmaaya  aan  ka  dhageysanaa  waxaanu  dhiseynaa  waddo ilaa  370 km  ah?  waxaan  leeyahey  ninkii  run  mooodow  adigaa  doqon  ah.

 

Ugu  danbeyn  ummada  reer  somaliland, waxaan  leeyahey  ogaada  hadeydaan  duliga  iska  diidin  ooydaan  xaqa  u  hiilin aakhirka  waxaad  ku  dhici  doontaan  dab  munaafuq  dhidey  muumin  ayaa  ku  gubta  ee  munaafguqiinta  hadalkooda  iska  diida.

 

 

Wq: Tahir hussein (xumo diid)

waayo_aragman@yahoo.com