OGAYSIIS: Caleemo saarka Chief Caaqilka Guud ee Gobolka Gabiley

OGAYSIIS:  Caleemo saarka Chief Caaqilka Guud ee Gobolka Gabiley

download
Dhammaan  Bulshada reer Somaliland gaar ahaanna Gobolka Gabiley waxa
la  gaysiinayaa  in la caleemo saari doono Chief Caaqilka Cusub ee
Gobolka Gabiley, Chief Caaqil  Dayib Cabdi Ciidle, isaga oo buuxin
doono Jagadii uu ka geeriyooday Aabihii Marxuum Cabdi Ciidle  Ammaan,
oo ahaa Chief Caaqilka guud ee gobolka Gabiley, 19-kii bishan
geeriyooday.

download (1)
Sidaas darteed Caleemo SAarka Chief Caaqilka Cusub oo hore loogu
qorsheeyey Inay Qabsoonto berri oo khamiis ah, waxa lagu wargelinayaa
bulshada in dib loo dhigay xafladdii caleemo saarka, iyadoo la qaban
doono haddii Alle Idmo 5-ta bisha November ee Sanadkan 2013-ka oo
taariikhda Islaamiga ah waafaqsan 1-da bisha Muxarram ee sanadka 1435.
Haddaba waxaan la socodsiinaynaa cidkasta oo ka tirsan beesha uu
caaqilka u yahay, iyo dhammaan bulshawaynta reer Soomaaliland inay
kasoo qaybgalaan caleema saarka jiif caaqilka cusub ee Dayib Cabdi
Ciidle.
Allaa Mahad Leh