Qaban qaabada Aas loo sameenayo Wariye Maxamed Maxmuud Tima Cadde oo Muqdisho hada kasocota

News-Web-Logo.widea

Qaban qaabada Aas loo sameenayo Wariye Maxamed Maxuud Tima Cadde oo katirsanaa Wariyaasha Tv-ga Universal ayaa saakay kasocota Magaalada Muqdisho ,iyadoona geerida Wariyaha ku timid ay aad uga wada naxeen dad badan.

Wariye Tima Cadde ayaa xalay u geeriyooday dhaawac halis ah oo 22-kii bishan kooxo hubeesan aan heebtooda la garan ugu geesteen Degmada Wada jir ee Gobolka Banaadir , waxaan xusid mudan in aan wali gacanta lagu soo dhigin dhagar qabayaashii Wariyaha toogtay.

Wariye katirsan Universal ayaa goordhaw xaqiijiyay in ay hada socoto qaban qaabada Aaska Wariyaha oo la filayo in lagu aaso qeybo kamid ah Isbitaalka Madiina uu ku geeriyooday Wariye Tima Cadde.

Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde ayaa ifka katagay dhoor Xaas iyo labo Wiil , waxaana dhamaan dadkii yaqaanay Wariyaha sheegeen in uu ahaa nin aad u wanaagsanaa kuna fiicnaa la dhaqanka Bulshaa qeybaheeda kala duwan .

Bahda Shabakada Salaanmedia ayaa aad uga tiiraanyeesan geerida naxtinta leh ee ku timid Wariye Tima Cadde waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan Eheladii Asxaabtii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday.

Inaa Lilaahi Wa inaa Ileehi Raajicuun.