Roobab Duufaano Iyo Dabaylo Wata Oo Laga Baqayo Inay Ka Dhacaan UK

London(SM)- Dhamaan dadka Soomaaliyeed  ee ku nool boqortooyada UK  waxaa loga digayaa in aanay maalinta berri subaxnimada  hore aanay  guriga ka soo bixin islamarkaana iska  hubiyaan hawada sida ay hadba xaaladeeda noqoto.

 

Waxaa maalinta Berri subaxnimada hore saacadda marka lagu qiyaaso 3:00  AM  bilaaban doono sida ay saadaasha hawada iclaamisay dabeeylo xoog badan oo ka imanayo dhinaca Badda  iyada oo laga yaabo inay  jajabiso dhirta, wadooyinka  iyo   guryahaba .

 

Markii ugu danbaysay ee dalka UK ka dhacay dufaano sidan oo kale ah ayaa dad badan ku naf waayeen sanadkii ahaa   1978 , waxaana laga  cabsi qabaa inay dhacdo taas mid la mid ah iyadoo aanay shaqayneynin gaadiidka intooda badani .

 

Waxaana dadka loo digayaa :-

  • In aadan ka soo bixin guriga subaxa hore oo aadan ku  socdaalin wadooyinka waaweeyn sida M1 , M$, M25 ,M12, 406 ka, IWM.

  • Iska hubi in aad daaqadaha guriga si fiican u xidhid.

  • Waxaa laga yaabaa in korontada la jaro.

  • Waxaa laga yaabaa in biyaha la jaro.

  • Waxaa laga yaabaa in gaaska la jaro.

  •  Waxaad u baahan tahay in aad iibsato mushamac haddii korantada la jaro, waxaa kaloo u baahan tahay in aad biyo aad caawo sii iibsato inta aan la gaarin 3:00pm , sida aay sheegeen qubarada saadaasha hawada in aay dabeeysha bilaandoonto sadexda subax nimo ilaa qiyaastii 12:00 midday , laba iyo tobanka duhurnimo.

Untitled

 

Salaanmedia/London

Xigasho oodweynenews