SAWIRRO:-Rihanna oo Xijaab Qaadatay Masaajidna Gashay Sababtu waa maxay? (Akhriso)

rihana5

Fanaanadda Rihanna oo lagu yaqaanay in ay dharka dhigato ayaa markaan muujisay isbedel weyn kadib markii ay qaadatay dharka dumarka Muslimka lagu yaqaano ee xijaabka asturan iyadoo booqatay masjidka Sheekh Zayed ee magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaradka Carabta , waxaana ay Rihanna sheegtay in ay ixtiraam u hayso dhaqanka iyo diinta dadka ay martida u tahay oo ah Muslim sidaasna ay ku door biday in ay xerato dharkooda oo ay ku faantay in ay ku qurxantahay.

 rihana3

Rihanna ayaa sawiradani soo galisay bogeeda ay ku leedahay Instagram waxaana ay hoosta kaga qortay in ay ka heshay style kaan. Oo ay ku faaneesaba

 

Waxaa ay Rihanna todobaadkaan ka tumeysaa magaaladaasi Abu Dhabi iyadoo ka heshay dalkaasi UAE .

 rihana4

Waxaa  fanaanaddan 25 jirka ah ee Rihanna oo u dhalatay dalka Barbados lagu yaqaanaa in ay ka baqin wax walba oo ay sameyneyso taasoo markaan ka dhigtay fanaanadii ugu horeysay oo weyn oo heesaha popeka qaadda oo ku labisatay dharka hijaaban ee muslimka iskuna sawirtay masjidka iyadoo aanan cidna ka baqeyn.

Rihana ayaa sidoo kale difaacday muuqaalka dumarka xijaabta ee Muslimka iyadoo sheegtay in ay mudantahay in lagu ixtiraamo dhaqanka iyo diintooda.

   rihana6 Rihanna1