Seddex ruux oo Soomaali ah oo loo soo qab qabtay qaraxii Magaalada Addis Ababa

Dowladda Itoobiya, ayaa waxay gacanta ku soo dhigtay ilaa seddex ruux oo Soomaali ah, kuwaa oo lala xiriirinaayo qaraxii gelinkii dambe ee Axadii, ka dhacay Magaalada Addis Ababa.

Qaraxaan, ayaa ka dhacay Dhisme ku yaala Xaafadda Bole, oo ay ku badan tahay Soomaalida Magaalada Addis Ababa, isla-markaana waxay ku dhaw dahay Garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa.

Wargeyska Tribune oo ka soo baxa dalka Sudan, oo soo xiganaaya Saraakiil ka tirsan Booliska Itoobiya, ayaa waxa uu daabacay in seddexda ruux ee Soomaalida, lagu tuhmay ku lug lahaanshaha qaraxaasi.

Saraakiisha ammaanka ee Itoobiya, ayaa waxay sheegeen in uu baaritaano ku soconaayo seddexda ruux, isla-markaana wax laga weydiinaayo waxa ay ka ogyihiin weerarkaasi.

Sidoo kale seddexdaan ruux, ayaa waxaa lagu eedeeyay in si Sharci daro ah ay ku soo galeen gudaha dalka Itoobiya, taasina waxay sare u qaaday eedeymaha loo heysto.

Wargeyska Tribune ma shaacin magacyada seddexda ruux ee Soomaalida, sababo la xiriira baaritaanada raggaasi oo aan weli dhamaan.

Qaraxa toddobaadkaan ka dhacay Magaalada Addis Ababa, ayaa waxaa ku dhintay ilaa laba nin, kuwaa oo ay Dowladda Itoobiya ku sheegtay, kuwo diyaarinaayay qaraxaasi.