Sheekh Umul “ dadkii na Dili lahaa Kenya ayaa lagu Diyaariyay, shabaab ayaa noo hanjabay, Naftaan Waqti ayay Go’aysaa


Sheekh Umul “ dadkii na Dili lahaa Kenya ayaa  lagu Diyaariyay, shabaab ayaa noo hanjabay, Naftaan Waqti  ayay Go’aysaa

Sheikh Maxamed Cabdi Umul oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ee ugu Waawayn Magaalada Nairobi, ayaa Jawaab ka Bixiyay hanjabaad uga Timid shabaab, oo  ah ay in ay Qaarajin Doonaan asaga iyo sheikh shibili Culumo uu ka midyahay.

 

Umul ayaa waxa uu sheegay in shabaab ay marar badan u soo hanjabeen, gaar ahaan Markii uu ka hadlay Weerarkii shabaab ku qaadeen Xarunta Ganacsiga ee Westgate oo uu ku Tilmaamay mid aan Waafaqsanayn Diinta islaamka.

Waxa uu sheegay Umul in dadkii Dili lahaa mar hore la Diyaariyay oo ay joogaan Kenya, waxa uuna ugu baaqay dhalinyarada uu sheegay in shabaab ay Marin Habaabiyeen in ay ka soo laabtaan oo ay Diintooda u soo laabtaan.

 

“ Xarakada dhexdooda ayaa Noolaga soo hanjabay aniga iyo shibili, Muqdisho dadka Joogo oo shabaab ah ayaa Noo Hanjabay, Dadkii falkaas samayn lahaa Nairobi ayay joogaan, Waqtigeena ayaan dhimanaynaa”ayuu yiri Umul oo ka hadlayay hanjabaad ka soo gaartay Maleeshiyaadka shabaab ee ka dagaalama Qeybo ka mid ah Soomaaliya.

 

“  Dadkii Culumada isku sheegaayay dhiigooda dadka u Fatwoon jiray oo Culumada hala laayo dhihi jiray, mar hore ayay dhiigeena u fatwoodeen oo ay Yiraahdeen hala dilo, aniga iyo Culumo aan ka mid ahay, Culumadii ay Soomaaliya ku laayeen waa Tusaale, Ninkii Yiraah waxaas waa Qalad Diinta islamka ma Waafaaqsana Yiraah, in la Yiraah waa Gaalo Raac, Ragii Saaxiibadii ahaa Godane, Ururka shabaab dadkii ugu sareeyay ka mid ahaa oo ay isku Qoonsadeen, markii ay Yiraahdeen sidaan ma Wanaagsana, Marka ninkii dadkaas Dilay dad uu u daahayo, ma jiraan, dadkii Hanjabaada noo soo diray, Muqdisho iyo meelo kale ayay ka yimaadeen, laakiin Macluumaadkaas dadkii loo soo Diray in ay na Dilaan”ayuu yiri Umul.

 

Sidoo kale waxa uu ku sheegay Umul in Dilkaan iyo hanjabaada aysan ahayn waxna, waxa uuna sheegay in nafta ay leedahay Waqti aysan ka soo hor maraynin kana soo dib dhacaynin oo Waqtigeeda ay go’ayso, waxa uuna sheegay in uu dadka ka Baraarujin Doono dadka uu sheegay in ay shaardiimeed Gashteen oo uu ula jeeday shabaab.

 

Ugu danbayntii waxa uu ku baaqay in dhalinyarada shabaab ay marin habaabiyeen ee is Qarxinaya in ay ka waantoobaan arintaas.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

cabdixakiin441@hotmail.com