Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Shir Lagu Falanqaynayo Shiidaalka Iyo Tamarta Somaliya Oo London lagu qabtay.

image

London(SM)Okt.07, 2013-Shir ballaadhan oo looga hadlayo arrimaha tamarta iyo shidaalka Somaliya ayaa shalayto ka furmey magaalada London ee dalka Britian.
Shirkan waxaa si wadajir ah u qabanaya dowladda Somaliya iyo shirkada Soma Oil and Gas oo horey u gashey heshiis ay ku maamuleyso hawlaha shidaalka iyo gaaska Somaliya.

Waxaa shirkan ka soo qeybgalaya oo kale dalal iyo shirkado ka kala socda caalamka oo daneynaya adeegyda shidaalka iyo tamarta Somaliya,kulan kan ayaa waxa ka soo qayb-galaya khabiiro badan oo isugu jira Somali iyo  ajaanib kale shirkaddo badan ayaa u ku soo qul qulaya somaliya oo rajaynaya in ay maalgashadaan khayraadka ku jira dhulka somaliya inkasta oo aanay amaan ahayn meelo badan oo ay shirkadahaasi badhitaanoka bilaabaan.

Salaanmedia/Mogdisho

 




Leave a Reply