Shirkada Telfoonada ee Telesom oo Maalintii 2 Xayiraaad aan Sharci Daro ah kuhaysa Shabakada Somalilandlive Media iyada oo Kaxidhay Internetkeeda Gudaha Somaliland

Telesomlogo

Shirkada Telefoonada ee  Telesom ayaa Si Shariga Kabaxsan  Xayiraad u Saartay Shabakada Somalilandlive Media iyada oo aan laga Bookhan Karib Internetkeeda  Gudaha Somaliland.
 Xayiraadan  ay Saartay Shirkada Teleson ayaana habayaraateed Wax Marmarsiiyo ah   Kusababaynin  Xayiraada Warbaahinta Somalilandlive Media.

 Xidhiidho kala Duwan oo aanu Lasamaynay Qaybaha   iyo Maamulka Sare ee Shirkada Telsom ayaanan Wax Jawaaba  iyo Garawshiiyo Toona naga Siinin Xagudubka  Badheedhka ah ee ay Kula Kacday Warbaahinta Somalilandlive Media., Marka laga Tago in ay SHeegtay in  Shabakada Somalilandlive.com ay ku jirto Websiteyo  ay Shirkadu Cadaawad Gaara  u Hayso  taas oo aan ilaahada Waxa Sababay lagaranaynin.

Shabakada Somalilandlive Media Waa Warbaahin Xaq- Dhawr iyo Ixtiraam Siisa Shirkadaha Ganacsi ee Madaxa Banaan Mana Jirto Wax Dhibaato ah oo Hore noosoo Dhex Maray Shirkada Telesom Balse Waxa aanu U Aragnaa Daandaansi  iyo Xadgudub  ay SHirkadu Sitoosa ugula Kacday Warbaahinta Somalilandlive Media.

Waxa aanu Canbaaraynaynaa  Falkan  Xadgudubka  ku ah Madaxbanaanida Warbaahinta Somaliland  Waxana aanu ugu Baaqaynaa Madaxda Sare ee Shirkada Telesom in ay Sida  ugu Dhaqsaha Badan ay Xayiraada uga Qaadaan Shabakada Somalilandlive Media, Kana Bixiyaan Faah Faahin Waxa  kukalifay Xadgudubka Intaas Leeg.

Salaanmedia/Hargaysa