Sirdoonka Norway oo faah-faahin ka bixiyay Xasan Cabdi Dhuxuloow oo dhalashada dalkaasi haysta, Weerarkii Westgate qeyb ka ahaa

News logo.widea

Sirdoonka dalka Norway ayaa faah-faahin ka bixiyay muwaadinka Soomaaliga ah ee haysta dhalashada dalkaasi ee qeybta ka ahaa howlgalkii dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay suuqa ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi.

Maria Barding madaxa sirdoonka Dowladda Norway oo la hadashay wakaalada Wararka ee AP, ayaa sheegtay inay ku guuldareesteen in Xasan Cabdi Dhuxuloow ay ka celiyaan ku biiritaanka Ururka Al-Shabaab.

Madaxa Sirdoonka dalka Norway, waxa ay sheegtay in Xasan Cabdi Dhuxuloow uu saddex sano kahor ku biiray Ururka Al-Shabaab, Dowladda Norwayna ay ku guuldareesatay ka joojinta inuu ku biiro Al-Shabaab.

Xasan Cabdi Dhuxuloow ayaa kasoo muuqday kaamirooyinka qarsoon ee suuqa ganacsiga Westgate ku xirnaa, isaga oo qori wata kana mid ahaa dagaalamayaashii qabsaday suuqa ganacsiga Westgate Mall ee Magaalada Nairobi.

Xasan Cabdi Dhuxuloow ayaa dalka Norway tagay sanadka markii uu ahaa 1999-kii, isaga oo la socday qoyskiisa, xilligaasi oo qaab qaxootinimo ah ay ku galeen dalkaasi, hayeeshe wuxuu Soomaaliya dib ugu soo laabtay 2009-kii markaasi oo la rumaysanyahay inuu qaatay fikirka Al-Shabaab ah ee dhinaca diint
Weerarkii Westgate Mall ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama, waxaana ay ku dileen weerarkaasi dad gaaraya 67-ruux halka ku dhawaad 200-ruux ay ku dhaawaceen.

Sababta Al-Shabaab suuqaasi uweerareen waxa ay ku sheegeen inay tahay joogitaanka ciidanka Kenya gudaha dalka Soomaaliya

Salaanmedia/Mogdisho.