Somaaliya Oo Markii U Horaysay Ka Qayb Galaysa Shirka Ganacsiga Aduunka Oo Ka Furmay Turkiga + SAWIRO

Oct 24, 2013 Istanbul(SM)– Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa ka qeyb gashay shirka Ganacsiga Aduunka ee lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaasoo ay ka qeyb galeen ilaa 180-dowladood iyo shirkado ka socday caalamka oo maal gashadayaal ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Horumarinta dalalka Jarmalka iyo Turkiga, iyadoo wasiiradan ay ka hadleen arrimaha Soomaaliya iyo sida xilligan ay muhiim u tahay in qaabka ganacsiga ee Soomaaliya looga faa’ideysan karo.

Dalalka shirka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Jarmalka, Turkiga Soomaaliya, Ghana, Hindiya iyo Mexico.

Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoore oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay tusaale iyo hormuud u yahay ganacsiga bulshada iyo deegaanka.  Mudane Dhoore wuxuu soo bandhıgay ın Soomaalıya ay tahay meel gabnacsıgu dhaqanka kamıd yahay, taas oo labada wasıır ee Jarmalka ıyo Turkıgu ku taageen dood,, halkaas ka dhacday.

Agaasimaha ayaa sheegay in Rugta Ganacsiga ay dadaal u gashay sidii ganacsiga Soomaaliya uu u noqon lahaa mid aan Ganacsatada kaliya ka faa’idin ee bulshada iyo deegaankaba la dhowro, isla markaana ay tahay xuquuq muhiim ah, waxaana uu cadeeyay inay ku dadaalayaan sidii Soomaaliya loo maalgashan lahaa.

“Rugta ganacsıgu waxeey guntıga u xıratay ın ganacsıga Soomaalıya uu noqdo mıd aan gancsatada kalıya ka faa’ııdın ee bulshada ıyo deegaankaba la dhawro ayna tahay xuquuq muhıım ah waxaa kaloo Rugta Ganacsıga ku dadaaleeysaa sıdıı wadanka Soomaalıya loo maalgashan lahaaa, waxay ganacsatada Soomaalıyeed ka dhaadhıcınaysaa sıdıı ay markan wadankooda u maalgashan lahaayeen ka hor ganacsatada aduunka”ayuu yiri Cabdi Abshir Dhoore.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhowaan ay bilaaban doonaan mashaariic ay ganacsatada soo wadaan oo ku aadan ganacsiga dalka.

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa dadaal ugu jirta sidii dalka ganacsigiisa loo hormarin lahaa, isla markaana loo maal gashan lahaa, iyadoo uu dhowaan sameeyay Xafiis ay la soo xiriiraan qurba joogta dalka ku soo laabaneysa ee maalgashaneysa dalka.