Soomaali badan oo dooni kula dhacday badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga. (Akhriso Magacyada qaar)

download

Warka naga soo gaadhaya Jasiirada Maalta, ayaa sheegaya in Dooni waday Tahriibayaal Soomaali ah ku dhinteen 64 Tahriibayaal, halka 140-na laga badbaadiyay Biyaha xili ay dul sabeynayeen Biyaha Maalta.

Doonida waday Dhalintaani ayaa waxaa la soo warinayaa inay kasoo ambabaxday Xeebaha Dalka Libya hayesyeshee markii ay gaadhay kala badh Badda isu xidhta Libya iyo Talyaani ayey halkaasi ku istaagtay iyadoo ay halkaasi ku naf-waayen 64 ruux.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa waxa ay Gowr dhaweyd warbaahinta u shegeen in dhalinyaradaasi ay u geeriyoodeen Baahi iyo haraad, waxa ayna sheegtay warbaahinta in iminka loo diray Markab walow wararka qaarna ay sheegayaan in Doonidaasi ay iminka gashay gacanta Ciiddamadda Xeebaha Talyaaniga.

Magacyada qaar ka mid ah dadkii doonyaha ku geeriyooday ayey ka mid yihiin.

1- Muse Jamac Cabdi

2- Ilyaas Xassan Rooble

3- Fartuun Axmed

4- C/llahi .. lama hayo magac dhameystiran

5- Najax Axmed Kaafi

6- Bulxan 

7- Xamdi Cabdi Keef

8- Naciimo Xashi

9- Axmed 

10- Naasir Ismail 

11- Salaad baashe

12- Liban Xaji cabdi

Lama soo bandhigin Muuqaalka Tahriibayaashaasi balse Warbaahinta Talyaaniga ayaa waxa ay Tilmayaan in Muuqaalka tahriibayaashaadi ay yaalan Isbitaalada.

Salaanmedia/Hargaysa