Wadahadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Mar Kale Bisha November Ee Sanadkan Ka Furmaya Magaalada Istanbul

Daawo Ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi oo waraysi siiyey TV Dubai

(SM:Istanbul) – Waxaa Markii Saddexaad Ka Furmaya Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga Wadahadalladii u dhaxeeyay dawladaha Somaliland Iyo Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka mid ah weftiga Madaxwaynaha ee safarka ku jooga dalka Turkiga, ayaa shaaciyey in 8-da bisha November ee sanadkan ay Istanbul ka bilaabo doonaan weji kale oo ah wadahadalladii labada dal.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Ah Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta warbaahinta ugu waramay Magaalada Istanbul ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi “Waxaanu isla qaadanay (Raysal-wasaaraha Turkiga) in 8-da bisha November ee sanadkan ay dib Magaalada Istanbul uga bilaabmaan Wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, Soomaaliyana waxay sheegtay inay tahay wakhti ku haboon, labada geesoodna ay raali ku yihiin mar labaad inay halkan wadahalladii ka socdaan”

Salaanmedia/Hargaysa